Maxaa sababay in Madaxtooyada Somaliland ay Hakiso Miisaaniyadda Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta?

0
1431

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay inay hakisay Miisaaniyada 2018 ee Wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo Wacyigelinta kadib khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Wasaaradaasi Mudane C.raxmaan C.laahi guri-barwaaqo iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cali Maxamed Cali ‘’Cali Caliyow’’.

Sida ay sheegayaan warar u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa wasaaradaasi waxa uu Khilaafkani ka dhashay kadib markii agaasimaha guud ee wasaarada warfaafintu uu saluugay in qaybo ka mid ah awoodihiisa uu adeegsaday Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee wasaaradaasi.

Sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan wasaarada warfaafinta oo codsaday inaan magacooda la shaacin waxa uu agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelintu Mr Cali Caliyow markaas kadib u Gudbiyey Madaxweyne Muuse Biixi Qoraal uu ku faahfaahiyey ku tagrifal awoodeed oo baalmarsan habraaca maamulka oo uu sameeyay wasiir guri barwaaqo iyo agaasimaha maamulka iyo xisaabadka ee wasaaradaasi kuwaas oo aan waxba lagala socodsiin.

Waxaa kale oo warku intaas ku darayaa in qoraalka agaasimaha guud uu sheegayo kharashaad ay wasaaradu gashay iyadoon wax la tashi lagala samayn maadaama uu yahay mishiinka dhaqaajiya shaqada wasaarada warfaafinta.

Amuurtan ayaa keentay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu qaato go’aan uu ku hakinayo Miisaaniyada wasaaradda warfaafinta isagoo amray wasaaradda maaliyadda inay hakiso Dhaqaalaha wasaaradaasi marka laga reebo mushaharooyinka,gunooyinka, iyo shiidaalka ilaa uu amar danbe ka soo baxayo.

Wasiirka Warfaafinta mudane C.raxmaan Guribarwaaqo oo aanu isku daynay inaanu ka helno faahfaahin intan ka badan ayaa naloo sheegay in xaalad caafimaad uu u baxay dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cali caliyoow ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan maadaama ay hor taalo Madaxweynaha.

Wasaaradda warfaafinta ayaa ka mid ah wasaaradaha faro ku tiriska ah ee qoondada ugu balaadhan laga siiyo miisaaniyadda qaranka hasa yeeshee waxaa mar walba ka dhaca khilaafaad weji kala duwan leh,kuwaas oo aan mar qudha si rasmi ah xal looga gaadhin,tusaale ahaan bishii April ee sannadkan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeer kedis ah ku tegay xarunta wasaarada warfaafinta waxaanu halkaas ka sheegay inuu ka xun yahay is maandhaaf soo kala dhexgalay qaybo ka mid ah shaqaalaha wasaaradaasi iyo maamulka sare ee wasaarada warfaafinta isagoo amray in deg deg loo soo afjaro hadii ay taasi dhici weydana uu soo faro gelin doono.

Geesta kale Idaacadii waynayd ee Radio Hargaysa ayaa  fadhida muddo ku dhow soddon maalmood xilli dalku galay xaalad dagaal oo u dhaxaysa Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland oo kaashanaya maamulka Muqdisho waxaa guud aanba aan mudadaasi la maqal idaacadaasi oo qayb laxaadle ka qaadanaysay dhiiri-gallinta Ciidamada kala duwan ee Somaliland gaar ahaan kuwa ku sugan jiida hore.

Idaacadaha ayaa ka mid ah aaladaha hubeed ee ugu culus ee loo adeegsaddo dagaalada iyada oo laga Faafiyo waxii guul iyo Borobogaado ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Cali ayaa sheegay in  Idaacadu u fadhido cilad dhanka dabka ah, dhanka kale waxaa fadhida Fm-tii Magaalada Ceerigaabo laga dhagaysan jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here