Maxaa Keenay In Guddoomiye Cirro Lagu Martiqaadi Waayo ”Chatham House Members Event Ee Loo Hoos Geeyey Qolkii Screening Room”

0
1489

Chatham House amma machadka madaxa-bannaan ee arrimaha dibedda gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ee Boqortooyada dalka Britain waxa uu soo casuumay guddoomiye Cirro. Laakiin, heerkii la moodayey ma aysan noqon casuumaddu.

Machadku waxa uu hore u casuumay Madaxweyne Rayaale iyo Madaxweynaha haatan talada haya ee Siilaanyo. Kuwaas laga dhegaystay dacwadooda oo ahayd mid u adeeggaysa madaxbannaanida iyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Casuumaddaha Madaxweynayaasha Somaliland (Rayaale & Siilaanyo) ee Chatham House waxa ay ahaayeen qaar si weyn loo ga soo qayb galay oo madax badan oo dalka Britain iyo safaaraddaha kala duwan ee adduunku soo buux dhaafiyeen xarunta sare ee Members Event ee Chatham House oo ah halka dadka aadka loo qaddariyo lagu dhegaysto.

Guddoomiye Cirro sida muuqatay waxa uu ka hadlay ”Round Table Discussion” oo ah goob furan oo hadba cidda is-diiwaan galisaa ka qayb gasho. Laakiin, sida caadiga ah aaney madaxda adduunku ka soo xaadirin.

Goobtan oo magaceeda la yidhaa ”Screening Room” waxa lagu casuumaa dadka aan la rabin in dhawaaqooda meel fog la gaadhsiiyo, se loo dan leeyahay in ammuur markaa taagan ay ka warbixiyaan si uu machadku war sugan oo xigaal leh hadhow uga soosaaro.

Guddoomiye Cirro oo ah Afhayeenka Golaha Wakiillada ee Somaliland mar waa nasiib-darro in sidaa hoos loo gu dhigo, oo aad ayaan runtii uga xumaaday. Dhanka kale se marka aad ogaato sida uu u hadlay oo ah si Somaliland dhaawac ku ah in warkiisa sidan oo dhan hoos loo gu dhigo waa mid mudan in lagu diirsado.

Sababta oo ah Somaliland maanta adduunyada ayey iska iibbineysaa, loo ma na baahna cid caalamka inta ay dhex tagto ka dhex habaaranta.

Dhanka kale sida aad ku aragtaan qoraalka casuumadda Chatham House, ujeedada casuumaddu waxa ay ahayd in uu Cirro dib u dhigista doorashooyinka ka warramo iyo sida dimuqraadiyaddu u hagaastay.

Waxa kale oo aad casuumadda ka arki kartaa in lagu xusay horumarka maalgashiga DP World iyo arrinta Saldhiggu sida ay ugu soo jiidi karaan Somaliland maalgashi kale oo hor leh.

Waxa se wax laga xumaado ah in Cirro Somaliland aannu ugu talo-galin iib-gaynteeda oo uu dunida u bandhiggo, se habaarkeeda uu gosha ka soo buuxsaday. Nasiib wanaagse dacwadda ma dhegaysigeeda waxa ku keliyeystay 99% taageerayaasha Waddani oo madasha soo buux dhaafiyey.

Waxa iyana xusid mudan in qof wal oo hadlayaa uu u gudbiyo CV machadka. Dabcan Cirro waxa uu sitaa title Dr. amma Degree Honoris Causa, laakiin sida ku xusan qoraalka casuumadda machadka Chatham House waxa uu qaatay labada title ee Hon. oo ka turjumaysa Degree Honoris Causa iyo MP oo ah sharafka umadda ee uu guddoomiyuhu huwan yahay.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com.

LEAVE A REPLY