Maxaa Ka Jira In Eedo Musuq Maasuq Loo Xidhay Wasiirkii Warfaafinta Somaliland?

0
980
Wasiir Guri barwaaqo PHOTO FILE

Hargeysa,(HargeisaPress)—Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta somaliland Cabdiraxmaan Guribarwaaqo ayey wararku waxay sheegayaan in xabsiga loo dhigay eedaymo musuq maasuq oo loo haysto.

Shabakadda caalamiga ah ee HargeisaPress.com oo isku dayday xaqiijinta warkan maadaama oo goor dambe oo habeenimo ah ay tahay, waxaana saraakiil ka tirsan xafiiska hanti dhawrka oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay iyo hawl wadeeno ka tirsan wasaarada warfaafintu waxay xaqiijiyeen inaan saacadan la cadayn Karin xadhiga wasiirka laakin ilaa maanta ciidan cuslu la daba dhigay.

Sidoo kale masuuliyiintan aanu la xidhiidhnay ayaa cadeeyey in wasiir Guri barwaaqo uu si ku meel gaadh ah xilkii wasaarada warfaafinta ugu wareejiyey wasiir ku xigeenkiisa Maxamed Muuse Abees oo maanta dalka ku soo laabtay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in wasiir Guri barwaaqo uu subaxnimada saaka Axada ah iska xaadirin doono maxkamada Hargeysa oo la horgeeyey eedaha loo haysto ee musuq maasuqa la xidhiidha.

Dhinaca kale wararka ayaa tibaaxay in hanti dhawraha guud ee qaranku uu si weyn ugu adkaystay in waaran qabasho ah loo geeyo wasiir Guribarwaaqo isaga oo ka horyimid in agaasimaha waaxda maamulka iyo lacagta ee xidhan iyo agaasimihii guud ee wasaarada warfaafinta oo damiin ku jooga la horkeeno maxkamada labadooda oo kaliya.

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

Hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here