Maxaa Golaha Wakiiladu Uga Aamunsan Yihiin Xumaha Guurtidu Waddo?

0
1089

Xeer-dejintu waa Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida. Waa qaybta labaad ee saddexda waaxood ee Dawladdu ka kooban tahay (Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka). Waana  saddexda dhadhaar ee ay ahayd inay is-dheelitiraan.

Qodobka 38-3: Xubinta Baarlamaanku Xil-gudashadiisa wuxu ku salaynayaa Dastuurka iyo Xeer-hoosaadyadiisa.

Qodobka 39 aad: GOLAHA WAKIILADU, waa xubno ka wakiil ah dadweynaha; waana Qaybta 1aad ee Xeer-dejinta dalka, ansixinta xeerarka, ogolaanshaha iyo ilaalinta siyaasadda guud ee hogaaminta Dalka.  Waxa Xukuumadda iyo Xeer-dejintu ka midaysan yihiin sharci burinta. Waxa Xukuumadda u dheer, ku tagrifalka hantida qaranka. Taas oo Wakiiladu DUL-QAAD weyn u leeyahay. Isga oo ka baaqsaday ilaalinta siyaasadda guud ee hogaaminta dalka. Sida ku cad Qodobka 39  iyo Qodobada Dastuurka ee Guurtidula jabiso, oo aan G/Wakiiladu danayn. Waxa ka mid ah kuwaa:                                                                                                                                                                               1. Bur-burka Golihii Guurtida. Laba iyo siddeetankii xubnood ee lagu bilaabay, kow iyo toban baa ka nool. Kow iyo  toddobaatan (71) xubnoodna waxa ay Golaha Guurtidu ku fadhiyaan DHAXALTOOYO. Taas oo aan sharci ahayn.

2. Dhibaatada G/Guurtid Dalka ku hayaan, waa mid ka soo horjeedka sababtii loo assaasay ee ilaalinta: Xasiloonida Dalka iyo daminta khilaafaadka beelaha J.S.L.

3. Guurtidu maanta waa dagaal, ogayaal caadaystay ku tumashada Dastuurka 42-3. Haddii doorashadu ku qabsoomi weydo DURUUFO ADAG awgeed Golihii hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo oculus.. Duruuftaa adagi marnba ma dhicin. Dadweynaha J.S.L. ayaa markhaati ka ah, in ayna marnna dhicin.

4. Muddo loo kordhiyo Xukuumad xilkeedii gabtay oo khilaafsan, Dastuurkan 42-3 oo wakhti walba taagani waxa ay halis ku tahay Xasiloonida dadweynaha iyo madax-bannanida J.S.L.

Xukuumadda waxa la gudboon, in ay doorashadii ku qabato, wakhtigii Komishanka doorashadu gooyay ee uu yidhi, doorashadu way qabsoomi katra. Waxa se muuqata, sidii dad badani dareensanaa, in aanu Madaxweyne Axmed aanu TARTAN doorasho geli karayn. Ujeedadu se ahayd, inuu xilka sii hayo muddo ah ilaa saddex sano, oo muddo kordhin ah. Waliba mid uu diidi jiray, ku diidi jiray sharci ma aha.Madaxweynaha waxa la gudboon, inuu qiimeeyo xaaladda maanta taagan, oo uu daneeyo Dalka iyo daweynaha. Waa inuu dhagaha ka furaystaa inta yar ee danaha gaarka watta ee CAADKU ka saran yahay, wanaaga ummadda, jiritaanka J.S.L. iyo sumcaddada. Ficiltan iyo dano gaar ah, waxa ka haboon balantii aad dadweynaha u qaaday iyo KITAABKII aad gacanta saartay oo aad fuliso. Allaa Mahad Leh.

 

Eng. Maxamed Xaashi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here