“Mawqifka Xisbiga Waddani Wuxuu La Mid Yahay Ka Isbahaysiga Ee Ah In Talo Qaran La Iskugu Yimaado Haddii Doorashadu Wakhtigeeda Dhici Waydo” Khudbad Dhinacyo Badan Oo Gudoomiye Cirro Jeediyay

0
1100

Hargeysa, (HargeisaPress) — Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa maanta Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ka furay Shirweynaha garabka Dhalinyarada heer Qaran ee Xisbiga Waddani.

Gudoomiyaha ayaa halkaasi ka soo jeediyay Khudbad dhinacyo badan oo taabanaysa qorshaha Xisbiga ee dhanka dhalinyarada iyo qodobo guud oo doorashada iyo siyaasadda khaarajiga ku salaysan

Khudbadda Gudoomiye Cirro ayaa u dhignayd sidan:-

1.      Furitaanka: Soo dhoweyn

 

– Waa Shireynihii 1aad Ee Garabka Dhallinyarada Dhallinta Ee Xisbiga WADDANI  Waa Kii Noociisa Ah Ee Xisbiyada Somaliland U Qabteen Dhalinyaro Waa Astaan In Xisbiga Waddani Ay Dhalinyaradu U Lafdhabar U Tahay  Waa Midaynta Dhalinyaradda Somaliland Ee Ka Kala Yimi Min Dhahar Ila Sayla , Min Borama Ilaa Badhan, Min Laas Caanood Ilaa Laas Geel.

 

Waa Bilowgi Suggidda Caddaladda Dawrka Hablaha Oo 30% Ergooyinka Laga Codsaday Inay Hablo Ka Soo Dhigaan. Waxaan Shirkan Idiinku Qabanay Inaad Qabyaaladda Kaga Baxdaan Oo

Noqotaan Hal Qabiil Keliya Oo Magaciisa La Yidhaa WADDANI Kuna Abtirsataan. Haddii La Idink Weydiiyo Jilibka Ama Ardaaga Aad Ka Tihiin Jawaabtu WAA GARABKA DHALLINYARADA .

 

2.      Dhalinyaradu:

 

– Waa Mustaqbalka Somaliland: Waa Maskaxda, Muruqqa, Maalka Iyo Kaydka Qaran Oo Kobcin Iyo Korin Inooga Baahan  Waa Khayraadka Ugu Muhiimsan Ee Qaranka Maanta Haddii Loo Abuuro Fursado La Maali Karo Xoggooda Iyo Maskaxdooba Isagoo Ka Duulaya Arrimaha Kore, Xisbiga WADDANI Waxa Mabda’ Asaasi U Ah In Uu Hooy U Noqdo Dhalinyaradu Kaas Oo Ay Ku Koraan, Ku Hawlgalaan, Kuna Dhistaan Hiigsi Barwaaqo.

 

3.      Caqbadaha Hortaagan Dhalinyarada

 

Xagga Sharciga Iyo Da’da: Waxa Xisbiga WADDANI Siyaasaddiisu U Adeegaysaa In Dhaliyarada Somaliland Laga Horqaado Caqabado Sharci Ee Ka Hortaaggan In Ay Hoggaamainta Dalka Ka Qaybgalaan.

Xagga Dhaqanka:

– In Dabarka Laga Furo Sidii Ay Si Buuxda Looga Fa’iidaysan Lahaa Xooggooda Iyo Maskaxdooda Oo Ay Kaalin Mug Lehna Uga Qaataan Horumraka Dalka Iyo Bulshadaba. Waxaa  Xisbiga WADDANI Ugu Yaraan 30% Siinayaa Hablaha Fursadaha Shaqo

Iyo Hoggamintaba

 

Shaqada:

Xisbiga WADDANI Wuxuu La Dagaalamayaa Caqabadaha Xagga Shaqada Kaga Yimaadda Dhallinyarada Ee Da’da Lagu Riixo; Qaraabo Kiiliyo Gobolaysi: Xisbiga WADDANI Wuxuu Sugayaa Caddaaladda U Tartanka Fursadaha Shaqo, Waxabarasho, Iyo Maalgashi.

 

4.Mudnaanta Waxbarashada Iyo Isbootiga

 

– Siyaasadda Xisbiga WADDANI Ee Horumarka Somaliland Waxaa Mudnaanta Kobaad Leh In La Dhiso Khayraadka Dadka (Hunan Resource) Ee Dalka. Waxa Lagu Dhisayaa Waa

Waxbarasho Tayo Iyo Baaxadba Leh. Waxa Kow Mudnaanta Leh Oo Ay U Adeegaysaa Siyaasadduna Daryeelka Dhaliyarada.

 

– Waxana Iyana Uu Xisbga WADDANI Mudnaan Gaar Ah Siinayaa Baahinta Iyo Kor U Qaadidda Awoodda Isboorti Ee Somaliland Oo Halbowle U Ah Barbaarinta Dhalinyarada:

Waa Koriinka Garaadka, Jidhka Iyo Wada- Noolaashaha Bulshada (Social). – Si Taas Loo Helo, Waa In Goob Kasta Oo Wax Barasho Ama Deegaan Loo Qorsheeyo Xarunta Ciyaaraha Kala Duwan ( Sports Centre).

 

5. La Tacaalidda Tahriibta

– Tahriibta Waxa Sal-U Ah: Rajo Beel Ka Dhasha Waayida Waxbarasho, Shaqo Iyo Waayista Caadaaladda Tartanka Fursadaha .

Tahriibta Waxa Xal U Ah: In Xoogga La Saaro Sidii Dhibaatooyinkaas Looga Horqaadilahaa Dhalinyarada; WADDANI Waxaa Ka Go’an  In Ay Dhalinyarada Loo Soo Celiyo RAJADA

Taas Oo Keeni Kartaa Aaminaada Dalkooda; Loona Abuuro Fursadihii Ay Kaga Qayb Qaadan Lahaayeen Horumarkiisa Iyo Hoggaamintiisa Oo Aanay Cidna U Daba Fadhiisan. Waa Inaan Aminaa In Dalkeenna NIMCO FADHIDO Loona Sinaanado Nimcadaas.

 

QODOBO GUUD

 

Doorashooyinka:

– Jadwalkii Uu Soo Saaray Komishanka Doorashooyinka Q aranka Waxa Uu Ahaa Kii Loo Baahnaa Oo Yimi Waqtigii Loo Baahnaa. Komishanku Wuu Dadaalay Marka La Eego Cimrigiisa. Waxay Maanta U Baxeen Soo Dhisidda Komishanka Gobolada Iyo Degmooyinka. Waxaan Ilaahay Uga Baryeynaa Inuu Hawshaas U Fududeeyo. Waxaan Ka Rajeynaynaa Inay

Soo Dhisaan Siidhi Walaayaal Tartamayaasha Si Caddaalad Ah Ugu Garsooora.

 

– Komishanka Doorashooyinka Qaranku Maaha Komishanka Diiwaagelinta Qaranka. Waxaan Ka Sugaynay Inay Cayimaan Maalinta Doorashada. Maalintaas Cayimaadeeda Waxaan Uga Sugaynaa Sida Ugu Dhakhsaha Badan. Waanu Adagnahay, Waanu Ku Adagnahay , Waanu Ku Adagnahay In Komishanku Maalintaas Cayimo.

Shacbiga Somaliland Iyo Bulshada Caalamka Oo Saaxiibka La Ah Shacbiga Somaliland Ee Inaga Taageerada Gedi Socod Dimquraadiyada Dhawaaqaas Way Sugaayaan, Si Weyn Bay U Sugayaan. Cayimidda Maalintaas Waa Waajib Sharciya Oo Saaran Komishanka.

 

– Komishanku Waa Inuu Soo Saaraa Jadwal Dhamaystiran Oo Doorasho

Una Gudbiyaa Madaxweynaha JSL.

– Madaxweynuhu Wuu Inuu Jawalkaas Ku Soo Saara Dikreeto Madaxweyne Mudada Sharcigu Siiyey Inuu Ku Soo Saaro Oo Aan Ka Badnayn 15 Maalmood.

 

– Mowqifka Xisbiga WADDANI Waxa Uu La Mid Yahay Mowqifka

ISBAYHAYSIGA MUCAARIDKA Oo Ah Haddii Doorooshinykii Madaxtooyada Iyo Golaha Wakiilada JSL Ku Qabsoomi Waayaan Waqtigooda, In Sida Ugu Dhakhsaha Badan La Isugu Yimaado Talo Qaran.

 

Wada Hadalada Somalia

– Marar Badan Baan Xusnay In Wadahadaladaasi Ay Madhalays Noqdeen.

– Waa Ilaahay Mahadii, Haddii Shacbiga Iyo Xukuumadduba Nagu Raaceen Soo Jeedintayadii In La HakiyoWadahadaalkaas.

Marwo Faadumo Siciid Waxay Wafdiga Somaliland

Ee Tegeyey Shirka U Sheegtay Mowqifka Xisibiga WADDANI.

 

– Haddii Saaxiibada Somaliland Caalamku La Yimaaddaan Hab Ka Duwan Kan Madhalayska Noqday, Waanu Soo Dhoweynaynaa In Aynu La Eegno, Laakiin Waa In Marka Hore Aynu

Doorashooyinka Is Dhaafina Oo Inagoo Dib U Tashanay Aynu Eegnaa Faa’iido Iyo

Muddaraba Waxay Yeelan Karaan.

 

ALLAA MAHAD LE

LEAVE A REPLY