Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Tababar Ku Saabsan Ololaha Doorashadu Ugu Dhamaaday Magaalada Hargeysa + SAWIRRO

0
1125
Madaxa ollalaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xamse Khayre

Hargeysa,(HargeisaPress) —Kulan dib-u-eegis looggu sameynaayey barnaamijka olalaha doorashada Madaxtooyada Somaliland ee Xisbiga WADDANI oo muddo lix cisho ah ka socday magaalada Hargeysa isla mar ahaantaana ay ka qeyb-qaadanayeen khabiiro siyaasaddeed oo heer caalami ah oo ka socday dalka Ghana iyo weli ba sida oo kale hay’adda caalamiga ah ee horumarisa arrimaha dimuqraadiyadda ee IRI(International Republican Institute), ayaa maanta lagu soo gebo-gabeeyey hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qeyb-galeen madaxda sar sare ee Xisbigaasi, Madaxa Ololaha doorashada Madaxtooyada, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, Pro.Qaasim Tubeec, xoghaye ku xigeenka WADDANI, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba siyaasiyiin iyo aqoonyahan kale oo si weyn uga soo shaqeeyey diyaarinta barnaamijka ololaha WADDANI, ayaa si weyn looggu falan-qeeyey qorsheyaasha kala duwan ee xisbiga WADDANI uu ku guuleysan karo doorashada Madaxtooyada iyada oo si weyn la isku la eegay xeeladaha kala duwan ee lagu kasban karo codka shacabka Somaliland iyo weli ba sida oo kale sida loogga digtoonaan karo khalkhal ku yimaada tirade codbixiyeyaasha doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Madaxa ololaha WADDANI, siyaasi Xuseen Axmed Caydiid iyo hoggaanada garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee WADDANI oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay si aada ugu faraxsan yihiin kulan ay wadaageen isla mar ahaantaan dib u eegis looggu sameynaayey barnaamijka ololaha WADDANI, waxaana ay tilmaameen in ay ku faraxsan yihiin qaabkii habboonaa ee ay iyaga iyo weli ba hay’adda IRI isu la wadaageen siyaabaha kala duwan ee loo guuleysan karo.

Mr. Peter Mac Manu oo ah khabiir aad ugu xeel dheer dhinaca siyaasadda iyo ololaha ba isla mar ahaantaana hore u soo noqday guddoomiyaha xisbiga New Patriotic party ee dalka Ghana sida oo kale na la taliye u soo noqday xisbiga ku guuleystay doorashada dalka Neyjeeriya ee uu hoggaamiyo Mahammadu Buhaari, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanaa kulankan ay wada qaateen xisbiga WADDANI isaga oo xusay in mudadii ay kulankaas soo wadeen ay barteen qaababka ugu fudud ee xisbiga WADDANI uu ugu guuleysan karo doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Madaxa ollalaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xamse Khayre

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here