Mashruuc Dadka Qaaxada Ka Bogsan Waayey ee dalalka Itoobiya iyo Djibouti in Cusbitaalka TB da Hargeysa Loo Soo Wareejiyo iyo Dareenada Ku Xeeran

0
1443

wasaarada CaafimadaHargeysa, (HargeisaPress) —Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa, la sheegay in dhawaan sexeexday heshiis ay ka sexeexeen hay,adaha Samafalka Caalamiga ah ee ku howlan ladagaalnka cudurada qaaxada iyo
ka hortaga, oo ka shaqeeya dalalka afrikada Bari oo ay kamid yihiin,Itoobiya Jabuuti,iyo Somaliland iyadoo cudurka qaaxada laga daweeyo kumanaan qof oo kamid ah dadweynaha dalalkaasi taas oo lagu bixiyo mudo lix bilood ah, haseyeeshee ay jiraan dad fara badan oo
dawadaasi aan ku bogsan wakhtigii loogu talagaley, kuwaas oo sida la sheegay buux dhaafiyay cusbitaalada dalalka dariska ah,ee Jabuuti iyo Itoobiya.

Qorshahan Wasaarada Caafimaadka Somaliland,ay la soo gashey, qaar kamid ah Hay,adaha Caalamiga ah ayaa, la sheegay in bilowgiisii hada laga wado Gudaha Magaalada Hargeysa gaar,ahaana Cusbitaalka Tbda oo hada lagu bixiyay in dib u dhis balaadhan lagu sameeyo Dhismihiisii hore, waxaana la wadaa dhismaha oo qeyb ka ah bilowga Qorshahan, sida
ay Hilaac-Media u cadeeyeen dad xog ogaalka ah,oo ka warhaya Arimaha dhaqdhadaqaaqyada Heshiiska Wasaarada Caafimaadka Somaliland ay la gashey qaar kamid ah Hay,adaha Caalamiga ah Waxaana wararku tibaaxeen in Mashruucani uu dhinaca kale qeyb ka yahey in cimilada loo badelo dadka la nool Xanuunka Hiv/Aids kuwaas oo lagu sheegayo in ay ka
bogsan waayeen Qaaxada Tbada islamarkaana, laga soo wareejiyo dalalka Itoobiya iyo Jabuuti si ay daawada ugu qaataan Magaalada Hargeysa gaar ahaana Cusbitaalka Tbda Hargeysa ee hada Dhismuhu ka socdo.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglo-Toosiye ayaa a sheegay in uu mashruucan ku sexeexay Magaalada Jabuuti ee Xarunta dalkaasi mar uu dhawaan booqasho ku gaadhey halkaasi.

Lasoco Qeybaha Dambe

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here