MASAR: 235 Ruux Oo Lagu Dilay Masjid Salaaddii Jimcaha + SAWIRRO

0
1596

CAIRO —Dad looga shakisan yahay in ay maleeshiyo yihiin ayaa weerar bam iyo rasaas kale loo adeegsaday ku qaaday masaajid ku yaalla gobolka waqooyiga Sinai ee dalka Masar iyaga oo dilay ugu yaraan 230 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dawladda.

Dad goob-joogeyaal ah ayaa warbaahinta Masar u sheegay in ay arrintani ka dhacday magaalada Bir al-Abed ee u dhaw al-Arish ayna dhacday intii lagu gudo jiray salaadda Jimcaha.

Booliiska deegaanka ayaa sheegay in ay rag rasaas ku fureen dad cibaadaysanaya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Masar ayaa dagaal kula jirta kooxo diin u dagaalamaya oo gobolkaas ku sugan, kuwaas oo weerarradooda sare u sii qaaday tan iyo 2013kii.

Ugu yaraan 100 ruux oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaaku. Mid ka mid ah wararka halkaas laga helayo waxay sheegayaan in bartilmaameedku uu ahaa taageerayaasha laamaha ammaanka ee dawladda oo masaajidka ku tukanayay.

Madaxweyne Cabdul Fattax Al Sisi ayaa la kulmi doona laamaha ammaanka si uu dhacdadan ugala hadlo, sida uu ku warramay Telefishinka gaar loo leeyahay oo Masar ka hawlgala oo lagu magacaabo Extra News TV.

Illaa iyo hadda lama oga cidda masuulka ka ah weerarkan Jimcihii Maanta.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

info@hargeisapress.com 

LEAVE A REPLY