Marxuumad Saado oo Maanta Aas Qaran loogu sameeyay Magaaladda Muqdisho + SAWIRRO

0
1086

Aaska_Saado_Cali_1MUQDISHO,(HargeisaPress) — Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho maanta aas qaran loogu sameeyay marxuumad Saado Cali Warsame oo kooxo hubeysan ay shalay ku toogteen degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Salaada janaasada ayaa lagula tukaday madaxtooyada Soomaaliya, waxaana goobjoog ka ahaa; madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)” ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, qaar ka mid ah xubnaha labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne fara badan oo ka mid ahaayeen fannaaniinta Qaranka.

Aaska_Saado_Cali_2

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Somalia, Jeylaani Nuur Iikar oo saxaafadda la hadlay aaska kaddib ayaa sheegay in kooxaha dilka u geystay marxuumad Saado iyo kuwii ka horreeyay inuusan hakin doonin howlaha baarlamaanku uu u hayo Qaranka, isgaoo ugu baaqay laamaha kala duwan ee amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka xildhibaanad, Saado Cali Warsame cadaaladdana la hor-keenno.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed oo dhankiisa ka hadlay aaska ayaa sheegay in Saado Cali ay ka mid ahayd sababta xubnaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya.

Aaska_Saado_Cali_11

“Xildhibaanad Saado Cali Warsame waxay ahayd qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, waxay dhimatay iyadoo dalkeeda iyo dadkeeda u shaqeynaysa, Saado waxay la mid tahay dadkii Soomaaliyeed oo iyagoo u halgamaya Soomaaliya naftooda ku waayay, uguma horreyn, dabcana uguna dmbeyn mayso, ummadda Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in Saado fikirkeedii uu nool yahay, laguna xasuusan doono ololaheedii ahaa in Somalia ay cagaheeda isku taagto, waana in looga daydaa sidii ay ugu dhiirraneyd in shacabka Soomaaliyeed ay ka guuleystaan cadowgooda,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Mudane C/weli oo sii hadlaya ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheegaan kooxaha dhibaatada ku haya hoggaamiyaasha Qaran iyo hal-doorka bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muun-gaab oo isagana ka hadlay goobta aaska ayaa ku sheegay amni-darrada Muqdisho ka jirta inay ka dambeeyaan kooxo ay ujeeddadoodu tahay inay dadka cabsi geliyaan, dhibaatana u geystaan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

“Dhibaatada Muqdisho ka dhacaysa waxaa ka dambeeya kooxo abaabulan oo doonaya inay cabsi geliyaan shacabka iyo mas’uuliyiinta, waxaana looga baahan yahay hay’adaha amniga inay adkeeyaan ammaanka oo kooxahaas ay ka hortagaan,” ayuu yiri Muum-gaab.

Ugu dambeyn, duqa Muqdisho wuxuu sheegay in Muqdisho ay u baahan tahay ciidammo dhar-cad ah oo daba-gal ku sameeya kooxaha caadeystay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Marxuumad Sado Cali Warsame oo lagu aasay isbitaalka Madiina ee ayaa waxaa intii uu aaskeedu socday la xiray waddooyin dhowr ah oo Muqdisho ku yaalla, kuwaasoo lagu daadiyay ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY