Marxuum Cabdiwali Faarax Jaambiir Oo Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Hargeysa + SAWIRRO

0
883

Marxuum Cweli Faarax2Hargeysa (HargeisaPress) — Alle ha u naxariistee maareeyihii wargeysaka madaxa-bannaan ee Ogaal Cabdiweli Faarax Jaanbiir ayaa maanta gelinkii hore si heer qaran ah loogu aasay xabaalaha naasa hablood ee bariga Hargeysa.

Marxuum Cabdiweli oo shalay galab ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddooyinkii u danbeeyey ku xanuusanayay, ayaa aaskiisa waxa ka qayb-galay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, masuuliyiin sar sare oo xukuumadda ka tirsan, suxufiyiin tiro badan, culimo aw diin, abwaanno iyo dad kale oo tiro badan.

Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka soo qayb-gashay aaska marxuum Cabdiweli Faarax Jaanbiir, ayaa tacdi u diray guud haan ehelkii iyo bahda warbaahinta Somaliland ee uu ka baxay Cabdiweli, isla markaana waxay ay ilaahay uga baryeen inuu denbigiisa dhaafo, jannada fardawzana inuu ka waraabiyo.

Marxuum Cweli Faarax

Inkasta oo qoraallada danbe aanu idiinku soo gudbin doonno taariikhda Cabdiweli Faarax Jaanbiir oo dhammaystiran, haddana rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Cabdiweli wuxuu ka mid ahaa odoyaasha saxaafadda Somaliland. Waxa lagu xasuusa doonaa inuu ahaa nin furfuran, kaftanyahan ah, isla markaana dadka wax bari jiray. wuxuu ahaa dadka ilaahay hibada u siiyey tarjumaadda buugaagta iyo qoraalada afka ingiriisiga ku qoran.

Ilaahay ha u naxariistee Cabdiweli Faarax Jaanbiir muddooyinkan wuu xanuusanayay, isagoo todobaadyadii ugu danbeeyey ku jiray cusbitaalka ku yaalla Hargeysa oo uu shalay galab ku geeriyooday, ilaahay qabriga ha u nuuro, jannada fardawsana ha ka waraabiyo, ehelkii iyo guud ahaab bahda warbaahitana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here