Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo Dhambaal Hambalyo ah Hawada u Marisay Dhallinyarada reer Somaliland

0
1809
Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal

Hargeysa , (HargeisaPress) —Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, ayaa dhallinyarada reer Somaliland ku hambalyeysay xuska sannad-guurada  36aad ee ka soo wareegtay dhagax-tuurkii ay dhallinyaradii UFO iyo ardaydii dugsiyada sare ee caasimadda Hargeysa kala hortegeen millatariga Taliskii Siyaad Barre 20 February 1982-kii.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo ahayd xaaska Madaxweynihii labaad ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, waxa ay sheegtay in dhallinyaradii UFO iyo ardaydii dugsiyada sare ee dalku ay hormuud u noqdeen bilawga halgankii lagaga soo horjeedsaday Taliskii Siyaad Barre.

“Waxa aan da’yarta reer Somaliland ku hambalyeynayaa xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February oo ku beegan Salaasada maanta, iyadoo ay maalintan lagu xasuusanayo ardaydii dugsiyada Hargeysa ee dhagax-tuurka sameeyey sannadkii 1982-kii, kaasoo ay kaga soo horjeedeen xadhiggii lagula kacay dhallinyaradii aqoonyahanka ahayd ee UFO, markaa waxa leeyahay hambalyo dhallinyarada reer Somaliland guud ahaantoodba, gaar ahaan waxa aan hambalyeynayaa ardaydii waqtigaas dhagax-tuurka samaysay iyo macallimiintii dugsiyada sare ee caasimadda Hargeysa, aqoonyahankii UFO ee markaas xidhnaa oo hadda ay qaarkood nool yihiin,” ayey tidhi marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay wargeyska Jamhuuriya xalay.

Waxa kaloo ay intaas ku dartay; “Waxa aan Ilaahay (SWT) ka baryayaa inuu horumar iyo barwaaqo gaadhsiiyo, xuskan xuskiisa kalena ku gaadhaan caafimaad, waxaanan kula dardaarmayaa dhallinyarada reer Somaliland inay ku dedaalaan sidii ay door fiican ugu yeelan lahaayeen horumarka iyo dhismaha dalkooda Somaliland, dawladda iyo ganacsataduna waa inay sii labanlaabaan fursadaha shaqo-abuurka si meesha looga saaro heerka shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalkeena.”

Xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20-ka February, ayaa la filayaa in si ballaadhan looga xuso dalka Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa oo la qorsheeyey in lagu sameeyo xus uu ka qaybgelayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here