Marwadda Gudoomiyihii Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Cabasho Ka Muujisay Gurri Ay Deganayd Oo Ay Sheegtay In Lagu Amray Inay Ka Baxaan

0
1631

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xaaska uu ka tagey Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale ayaa, lagu qaadey weerar qaflad iyo aragagixiso kadib markii uu amar ku bixiyay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi in banaanka looga saaro Guriga ay ka degan yihiin Magaalada Hargeysa oo uu siiyay Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Marxuum Cigaal Madaxweynihii Geeriyooday ee Somaliland iyadoo lawada ogyahey in aanu Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Guri ka dhisan Caasimada Hargeysa islamarkaana, aanu ku laheyn baloodh kaliya Gudaha Magaalada sidaa daraadeedna uu wakhti xaadirkan u beefsanayo Wasiirka Madaxtooyadu godob Siyaasadeed oo uu kaga faa,idetsanayo xiliga kala guurka maadaama uu wali calool xumo u qabo Marxuum Cigaal iyo Raggii lasoo shaqeeyay.

“Waxaa nasiib daro ah in maanta loo beegsanayo Xaaska Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale(Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland),cida ay tahey waa haweenay ogaadeen ah sidaa daraadeed ayaa loo damcey in dibadda looga saaro Gurigii uu siiyay Madaxweynihii Geeriyooday Marxuum Cigaal waana Gudoomiyihii Baanka ee waligii Musuqmaasuq ku talaabsanin labadaa Madaxweyne isagoo lasoo shaqeeyay ayaanu Guri ka dhisan Caasimada Hargeysa baloodhna  ku laheyn waxaa lagu xidhay Saldhiga Ibraahim Koodbuur inta laba gaadhi oo Ciidan ah loo soo direy waxaana lagu amrey in ay Gurigaa ka guuraan haddaba ma Aamina Warisbaa agoontaa u badheedhay mise Wasiirka Madaxtooyada ayaa u badheedhaya waa su,aal taagan laakiin waxaan kaga ciilqabaa hadii Madaxweyne Siilaanyo maanta sidiisii yahey wuu ka xanaaqi lahaa falkaasi”Sidaa waxa yidhi Axmed Cabadilaahi Cali oo u Hadley dhibaatada qoyskaa lagula Kacey.

Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale ayaa, dadka ugu badan ee Reer Somaliland ku tiriyaan un uu ahaa Marxuum daacad ah oo aan ku talaabsanin talaabooyinka Musuqmaasuqa ee ay dad badani caadeystaan in ay Guryo iyo hantiba kaga sameystaan Hantida Umadda,iyadoo loo dhgegtaagayo cida damaca dhabta ah kusoo weerartey Qoyska Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Gudoomiyihii hore ee Baanka Somaliland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY