Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Sharaxaad ka bixisay Shir Caalami ah oo London lagu soo gabagabeeyay

0
1039

Aamina Waris Sheekh MaxamuudLONDON,(HargeisaPress) — Shir Caalami ah oo lagaga hadlayay Xuquuqda gabdhaha, gaar ahaana Cidhib tirka Gudniinka Fircooniga ah iyo ka hor taga Hablaha lagu guursado Da’yaraanta ayaa shalay lagu soo gabagabeeyay Magaalada London ee Ingiriiska.

Shirka waxaa ka soo qayb galay in ka badan 50 Dal oo dunida ah iyo Hay’addaha Qaramada midoobay, NGOs iyo Hay’addo ay khusayso arintani.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in qiyaastii 125 milyan oo isugu jira gabdho iyo haween oo ku nool Afrika iyo Bariga Dhexe uu saameeyay gudniinka fircooniga ah.

Shirkaasi waxaa Somaliland uga qayb galay Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Waris Sheekh Maxamuud Jirde, Dr Adna Aadan Ismaaciil iyo Sheekh  Almis oo ka mid ah Culimada Somaliland.

Marwada Madaxwynaha Somaliland oo faahfaahin ka bixisay Shirkaasi ayaa sheegtay in Somaliland ahaan ay balanqaadeen hir galinta Go’aanka ka soo baxay shirkaasi ee lagu dabar goynayo Gudniinka Fircooniga ah Hablaha da’yaraanta lagu guursado.
“Shir la isku arkay ayuu xaqiiqatan ahaa, shir waxyaabo wax ku Ool ahi ka soo baxeen ayuu ahaa, wuxuu ahaa Shir aqoon badan la isku waydaarsaday. Waxaa lagu deeqay Lacag fara badan si looga shaqeeyo hawlaha Gudniinka Fircooniga ah, waxaa la isla gartay in Hay’addaha ka shaqeeya, la taageero oo awood la siiyo, Shuruuc ayay wadama badani ka soo saareen oo Ingiriisku ka mid yahay, kaasi oo Waalidka Arimahaasi ku dhaqaaqa uu xadhig mutaysanayo” ayay tidhi Marwada Madaxweynaha Somaliland.

Marwada Madaxweynaha Somaliland waxay sheegtay in Shirarka Noocan ahi Somaliland u soo hoynayaan sumcad wanaagsan iyo inay dunida ka mid tahay “Shirarka Noocan oo kale ahi waxay keenayaan Sumcadeena oo wanaagsan iyo inaynu dunida ka mid nahay. Shirkaasi aanu tagnay wuxuu ahaa mid si fiican naloo soo dhaweeyay, mid aanu Beesha Caalamka ka mid ahayn, taasina waxay caddaynaysaa Somaliland meeqaamka ay Dunida maanta ka taagan tahay, waxaanuna aad iyo aad ugaga mahadcelinayaa Dawladda Ingiriiska iyo Hay’addihii kale ee la soo abaabulay” ayay tidhi Marwada Madaxweynaha .

Marwo Aamina Sheekh Maxamuud Jirde waxay  Shacabka Somaliland u rajaysay Ciid farxad leh, iyadoo sheegtay in bacdal Ciidda ay imanayaan iyada iyo madaxweynaha Somaliland oo wakhtigan ku sugan Ingiriiska.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY