Markabkii Ugu Weynaa Oo Ku Soo Xidhay Dekadda Berbera

0
1152

Berbera (Hargeisa Press.com): Markabkii ugu weynaa oo xanbaarra Koontiineeradda ayaa maanta  ku soo xidhay dekadda magaaladda Berbera, kaasoo la sheegay in dhererkiisu dhan yahay 210 oo mitir.

Markabkan ayaa halkii marba qaadi karo 1393 oo Koontiinar, sida uu sheegay maareeyaha dekadda Berbera Siciid Xasan C/laahi, taasoo ay fududaysay dib-u-dhiska iyo balaadhinta lagu sameeyay dekadda.

Waxaanu tilmaamay maareeyuhu in markabkani uu yahay kii ugu weynaa ee ku soo xidha dekadda Berbera intii ay Somaliland jirtay.

Halkan Ka Daawo Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here