Mareykanka oo Weerar Cirka ah ku qaday Magaalada Irbil Ee Dalka Ciraaq

0
855

us_offensive_iraq_512x288_getty_nocreditIrbil, (HargeisaPress) — Dowladda Mareykanka ayaa weerarkii ugu horeeyay ee cirka ku qaaday dalka Ciraaq ilaa markii madaxweyne Obama uu kala baxay ciidamadiisa sanadkii 2011.

Pentagon-ka ayaa sheegay in diyaaradaha ay weerareen madaafiic ay kooxda Khilaafada Islaamka u adeegsanayeen ciidamada Kurdiyiinta oo difaacayay magaalada Irbil.

Madaxweyne Obama ayaa ansixiyay faragelinta hadii mintidiinta ay qatar ku noqdaan danaha Mareykanka ee meelahaas. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu ka hortagayo falal xasuuq ah oo looga horjeedo kooxaha diin ahaan laga tirada badan yahay ee waqooyiga ciraaq.

Faragelinta Mareykanka ayaa ka dambeysay walaaca caalamiga ah ee sii kordhayo ee ku saabsan dhibaatada Kiristanka Ciraaq iyo dadka diinta Yazidi ee laga tirad badan yahay kaga imaanaya mintidiinta Sunniyiinta ee sii siqaya. Maraykanka ayaa hawada ugu soo tuuray gargaar cunto oo deg deg ah tobanaan kun oo qaxooti ah oo ku go’doomay buuraleyda fog.

Warar kalena, waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta hawada Mareykanka ay ka mamnuuceen dhammaan diyaaradahooda inay dulmaraan hawada Ciraaq

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here