Mareykanka iyo Faransiiska oo Tababbaraya Ciidamada Dowladda Soomaaliya

0
1201

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dalalka Mareykanka iyo Faransiiska ayaa sheegay inay tababarro siinayaan ciidamada Soomaaliya, si looga hortago weerarrada kaga imaanaya Al-shabaab oo dhawaanahan geysanaysay qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Madaxweyne Brack Obama oo qadka telephonka kula hadlay dhiggiisa dalka Faransiiska, François Hollande ayaa arrintan kawada hadlay, iyagoo isku raacay in Soomaaliya ay u tababaraan ciidamada xoogga.

“Qaaradda Afrika oo dhan laga soo billaabo Senegal illaa Somalia wayna caawin, waxaaa ka taageeri doonaa tababarka ciidamada, gaar ahaan dalka Somalia oo si gaar ah xoogga u saarayno si looga hortago argagaxisada khatarta ku ah nabadda dalkaas,“ ayuu yiri madaxweyne Obama.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Mareykanka ay si qarsoodi ah ku joogaan Somalia kuwaas oo tiradoodu tahay 120-askari, iyadoo saraakiil wasaaradda Gaashaaandhigga Mareykanka u hadlay ay ku sheegeen inay yihiin la-taliyeyaal, iyadoo ciidamadan ay Somalila yimaadeen sannadkii 2007-dii.

Shirka ka dhici doona Mareykanka oo ay isku arki doonaan madaxweynayaasha Qaaradda Afrika iyo madaxweyne Obama ayaa looga hadli doonaa khartaraha kooxaha ka dagaalama Afrika sida; Al-shabaab, Boko Haram iyo kooxda AQAB.

Kulan ayaa waxaan ka qaybgeli doonin madaxweynayaasha dalalka Eritrea, Zimbabwe iyo Suudaan, iyadoo kulanka ka dhacaya Mareykanka looga hadli doono ammaanka guud ee Qaaradda Afrika.

Mareykanka ayaa saddexdan madaxweyne ku eedeeya inay yihiin kuwo dhibaato ku haya shacabka dalalkooda, isla markaana galay dambiyo waaweyn, iyadoo ay horay u dalbatay maxkamadda ICC in lasoo qabto madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Shirkaas ayaa waxaa Soomaaliya uga qaybgeli doona madaxweyne Xasan Sheekh oo ay u noqonayso markii sadexaad oo uu Mareykanka tago, waxaana uu kusoo beegmayaa shirkan xilli Al-shabaab ay kordhisay weerarrada ay Muqdisho ka geysanayso.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY