Marekanka oo hoos u dhigaya howlgalka uu ka wado gudaha Soomaaliya

0
1389

DJIBOUTI, (HargeisaPress) —Milatariga Marekanka ayaa la sheegay inuu xadidayo duqeymaha uu la beegsado dagaalyahannada al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya,sida laga soo xigtay waaxda difaaca ee Marekanka.

Howlgallada milatariga Marekanka ee Soomaaliya ayaa gaabis noqday tan iyo markii uu Xoghayihii Difaaca ee dalka Maraykanka, James Mattis  xilka ka deggay bishii hore.

Labo sarkaal oo ka tirsan milatariga Marekanka ayaa laga soo xigtay inay tallaabadan caddayn u tahay inuu maamulka madaxweyne Donald Trump ka baaraan-degayo dhimista Ciidammada Maraykanka ee loo daad-gureeyey dalal ka tirsan Caalamka,sida uu baahiyay telefishinka NBC News.

Marekanka ayaa dhinaca kale qorsheynaya inuu yareeyo doorkiisa Soomaaliya,iyadoo arrinta ay ka digayaan khubaro ka tirsan la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada,kuwaas oo u arka in qorshaha cusub ee Marekanka uu abuuri karo khatar ka timaada ururrada Al-qaacida iyo Daacish.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in aanay wax is bedel ah ku imaan siyaasaddii howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaa uu tilmaamay inay sii wadayaan taageerida dowladda Soomaaliya iyo burburinta al-Shabaab.

Madaxweyne Trump ayaa markii uu xilka la wareegay waxa uu Ciidammo dheeraad ah u soo diray Soomaaliya , wuxuuna Taliyayaashiisa awood u siiyey inay kordhiyaan duqeymaha ay ka geystaan Soomaaliya.

Sannadkii la soo dhaafay ee 2018-ka ku dhawaad soddon weerar oo xagga cirka ah ayey Mareykanka ka fuliyeen meelo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, waxaana inta badan lagu bartilmaameedsanayay dhaqdhaqaaqyada al Shabaab.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY