Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Ka Hadlay Sababaha Kor U Qaaday Qiimaha Shidaalka Dalka

0
1072

news logo HPHargeysa,(HargeisaPress) — Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Saleebaan Siciid Cali, ayaa Sheegay in Batroolka oo kala yara Go’ay uu sababay sicir-barar ku yimid qiimaha Batroolka dalka. Waxa uu sheegay in hadda la filayo inuu soo gaadho dalka Shidaal ku filan ka dib markii wax iska bedeleen Qaabkii shirkaddaha Shidaalka ka keenaan u soo Iibsan jireen Shidaalka.

Qiimaha Shidaalka ayaa Maalmihii u dambeeyay kor u kacay, iyadoo Qiimaha 10-ka Litir ee Batroolku ahaa SLSH 68,000(Sideed iyo lixdan Kun oo Shilinka Somaliland ah) Ama $10 Dollar, hadda uu yahay SLSH 76,000, iyadoo meelaha qaarna uu gaadhay SLSH 80,000.

Hadabada Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera oo khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Jamhuuriya ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta Qiime korodhka Shidaalka“Shidaal dalka wuu yaal, laakiin batroolkii shirkaduhu keenayeen ayaa yaraaday oo dhawrkii toddobaad ee u dambeeyey waxa yimi markab keliya. Shidaalka waxa inoo keena shirkado gaar loo leeyahay oo dawladdu shidaal ma keento, markaa shirkadaha wax baa ka yar xannibmay oo halkii ay ka soo raran jireen iyo siday u soo raran jireen ayuu arrin kaga yimi, laakiin imminka shidaalkii waa la helay oo maraakiibtii way ku maqan tahay, annaguna shirkadaha shidaalka keena shir baannu la yeelanaynaa maalinta Jimcaha isha Allaah.”

Maareeyaha oo la waydiiyey sababaha kaalmuhu kor ugu qaadeen qiimaha shidaalka ay ku iibiyaan oo ah kii hore u yaallay, waxa uu ku jawaabay, “Horta ganacsiga waad taqaanaa oo sicirku meel fadhiyo oo sidaa sarrifka lacagta doollarku isku bedbeddelayso ee aannu isku midka u ahayn shalay iyo maanta ayuun buu shidaalkuna la mid yahay. Ta kale, annagu sicirka ma jarno oo shuuciyad ma nihin ee suuqeennu waa xor, taas ayaana keenaysa marka badeecaddu yaraato in ganacsaduhu ku fikiro inuu ka faa’iidayso fursadda oo qiimaha wax ku daro.

Annagu waannu haynaa batrool, waanuna tashiilnay oo waannu koobaynaa si aannu u dhammaan ilaa inta batroolka kale naga soo gaadhayo oo maraakiibtu imanayso. Maalintii ilaa 3 kun oo litir ama ilaa toban booyadood oo batrool ah ayaa laga qaadaa haamaha.”

Wargeyska Jamhuuriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here