Maradona Oo Ronaldo Ku Sifeeyay “Musixir”

0
1820

Xiddigii hore ee kubadda cagta ee reer Argentina, Diego Maradona ayaa ku sifeeyay xiddiga Juventus ee Ronaldo “musixir” ka dib markii uu saddex gool ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid Xalay.

Ka dib markii Juventus lagu soo jiidhay 2 gool iyo eber kulankii hore ee wareega 16-ka, Juventus ayaa awood ku xaqiijisatay inay u gudubto wareega rubuc-dhammaadka ka dib markii goreenkooda Allianz kaga adkaatay Atletico Madrid 3 gool iyo eber.

Saddexda goo lee uu Ronaldo dhaliyay xalay ayaa ka dhigay saddexlaydii siddeedaad (hat rick) uu ka dhaliyo Champions League-ga, isaga oo la sinmay Lionel Messi.

Ciyaaryahankan 34 jirka ah ayaa ugu soo wareegay Juventus lacaga gaadhaysa 112 milyan oo Euro kal hore, ayaa sida lagu soo waramay in uu sii saadaaliyay saddexda gool ee uu xalay dhaliyay.

Guushan uu gaadhay Ronaldo ayaa aad uga yaabisay Maradona isaga oo yidhi: “Waxa jira ciyaaryahano wata musixir.

Maxamud Abdilahi Khalif (Sayid Khalifa)

LEAVE A REPLY