‘Mar Walba in la Ixtiraamo Shuruucda iyo Dastuurka Waxay Dantu Ugu Jirtaa Marka Koobaad Cidda Xukunka Haysa’

0
85

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo sheegay in aanay jirin wax ka hor istaagaya la Kulanka Safiirrada Qadar iyo Maraykanka

Hargeysa,(HargeisaPress) — Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka hadlay warar ku saabsan in uu Nairobi kula kulmay danjireyaasha Qadar iyo Maraykanka, xadhigga Xildhibaan Dhakool iyo muwaadiniin kale oo xidhan.

Guddoomiye Cirro oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Hargeysa shalay, waxa uu sheegay in aanay jirin wax ka hor taaggan in uu kulan la qaato safiirka Qadar iyo guud ahaan safiirrada kale ee caalamka, balse aanay waxba ka jirin warar ku saabsan in uu safiirro ka socda Dalalka Qadar iyo Maraykanka uu kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu toddobaadkan safar shaqo ku tegay.

Ugu horayn, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu eheladooda iyo bulshada Somaliland ka tacsiyeeyay muwaadiniinta ku naf waayay roobkii Hargeysa ka da’ay iyo hantidii uu waxyeelay, waxaanu masuuliyad-darro ku eedeeyay madaxda masuuliyadda lahayd.  “Waxa aan odhan kara waa fool xumo weyn in balligii Daami ee sannadkii horena Madaxweynuhu ka bixiyay amarka wali khatartii ay sideedii tahay. Madaxweynuhu wuxuu sannadkii hore amar ku bixiyay in wax laga qabto, Madaxweynihii amarka bixiyay iyo Maayarkii uu amarka siiyayna xalay (habeenkii Salaasada) way wada socdeen, balliguna waa sidiisii wali,”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in ay habboon tahay in aanay Somaliland kala jeclaysan dalalka Caalamka, maadaama ay citiraaf-raadis tahay, dal kastana cod ku leeyahay Qarammada Midoobay, isagoo sheegay in aanay jirin siyaasad Somaliland u taalla oo dalalka qaar mamnuucaysa, sidaas awgeedna aanay waxba ka hor taagnayn in uu la kulmo safiirrada Qadar iyo Maraykanka, laakiin aanu jirin warka hadda sheegay in uu Nairobi kula soo kulmay.

“Waxaad ka war qabtaan in aan sannadkii hore January tegay Nairobi oo aan kula kulmay in ka badan 10 safiir, waxaan kala hadlayna waxa ay ahayd siyaasadda arrimaha dibadda, arrimaha Somaliland, arrimaha doorashooyinka iyo arrimaha citiraafka. Maalmahan waxa jirtay saxaafadda qaarkeed malaha qaar la yaqaannaba may ahayne in aan kula kulmay danjiraha Qadar iyo danjiraha Maraykanka magaalada Nairobi, warkaasi ma jiro oo waa war been-abuur ah, laakiin kama duwana Safiirka Qadar kuwii aan la kulmay, ka Maraykankuna kama duwana, wax noo diidaya in aannu la kulano safiirro gaar ahna ma jiro, taas macnaheedu waxa weeye cidna nooma yeedhin karto cidda aannu la kulmayno. Danjireyaasha dhammaantoodba waanu la kulmi karnaa, kuwaas la sheegay iyo kuwo kaleba, diyaar baanu u nahay kuwaas la sheegay ee Qadar iyo Maraykanku ka mid yihiin iyo kuwa kale ee Dunidaba in aannu la kulano xilli kasta oo munaasib ah meel kasta oo munaasib ah, aniga oo qudha maaha ee waxaa la kulmi kara xisbi ahaana waanu la kulmi karnaa masuuliyiinta xisbiguna way la kulmi karaan, waxa aannu kala kulmaynaana waa danta Somaliland,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu Dastuur-jabin ku tilmaamay xadhigga Xukuumaddu kula kacday Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxaannu yidhi; “Qof kasta oo muwaadin ah sharcigu wuu xidhi karaa, laakiin waa in dariiq sax ah loo maraa. Mudaneyaasha Golaha Wakiillada waxa xasaanad siiyey Dastuurka oo ah sharciga ugu sareeya dalka, Dastuurka sharci ka sareeyana ma lihin, mudanaha ka tirsan Wakiillada ama Guurtida lama xidhi karo, lamana baadhi karo, marka waxa dhacday in xildhibaanka goor habeenimo ah isaga oo waliba hurda oo aan wax dambi ah faraha kula jirin la qabtay, marka taasi waa dastuur-jabin, Madaxweynaha ayaana ugu sareeya in uu ilaaliyo dastuurka, Madaxweynaha laftiisu haddii uu dastuurka jabiyo ee dastuurku wuu tilmaamaya tallaabooyinka laga qaadayo.”

Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu intaas raaciyay in ay la yaab noqotay in wali xildhibaan Dhakool xidhan yahay, iyada oo Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex iyo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiillada metelaysa markii ay Dastuurka arkeen ku gacan saydheen xadhigga, una arkeen sharci-jabin. Waxa kale oo uu cambaareeyay in Guddoomiyaha Wakiillada oo ah masuulka 3-aad ee Qaranka, xildhibaannada iyo ehelkiisaba laga hor istaago in ay arkaan Xildhibaan Dhakool.

“Xadhiggiisu (Xildhibaan Dhakool) sidiisaba waa Dastuur-jabin. Haddii aynu shuruucda ku tumanana waxa ka dambeeya fawdo, mar walba in la ixtiraamo shuruucda iyo dastuurka waxay dantu ugu jirtaa marka koobaad cidda xukunka haysa. Rayigiisa kuma waafaqsani (Dhakool) laakiin, wuu dooday oo wax buu yidhi, waxaana Dastuurka ku qoran ra’yigiisa laguma xidhi karo mudanaha Golaha Wakiillada, haddiise ay dambi  u aragto ciddii dambi u aragtaa waa in ay u soo marto dariiqa saxda ah oo ay golaha waydiisato in laga qaado xasaanadda markaa kadib uun.. Marka waxaannu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa in sharciga loo soo noqdo in dastuurka loo soo noqdo mudanahana xorriyaddiisa loo soo celiyo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa kaloo uu ka hadlay xadhigga muwaadiniinta loo gaysto ee ay Xukuumadda KULMIYE sii wado ilaa hadda, waxaannu yidhi; “Waxa ugu dambeeyay Guddoomiyihii garabka Dhallinyarada (xisbiga WADDANI) Maxamed Sidiiq, Xukuumaddu waxay tidhi; ‘way na caayeen.’ Haddii cay la isku xidhxidhayo Ina Muuse Diiriye (Wasiirka Warfaafinta) in la soo xidho ayay ahayd iyo Wasiirka Gaadiidka haddii cay la isku xidhayo oo sharci cayda xidhaya uu jiro. Maalin walba waxa caytama masuul ka tirsan Xukuumadda, markaa waa in sharciga loo sinnaado oo iyagana la xidho oo jeelka la geeyo, markaas ayaan odhan karnaa caddaalad baa jirta.”

Guddoomiyaha WADDANI ayaa ku baaqay in xoriyadooda loo soo celiyo Maxamed Sidiiq Dhamme oo ah Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada WADDANI, Samafale Cabdimaalik Coldoon, Abwaan Baashe, macallin Cabdiqaadir iyo dadka kale ee xidhan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu bulshada Somaliland la wadaagay hambalyada maalinta Qaran ee 18 May, waxaannu yidhi; “Waxaan doonayaa aniga oo ku hadlaya afka xisbiga in aan shacbiga Somaliland u soo qaddimo hambalyada maalinta la soo noqoshada Qarannimada Somaliland oo ah 18 May. Dhammaan xisbigu wuxuu diyaar u yahay in uu ka qaybgalo munaasibadaheeda kala duwan ee maalintaasi leedahay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba haddii Alle yidhaa, maalmo kale oo Qarrana waynu leenahay oo la xusi doono oo ay ka mid tahay maalintii aynu calanka ka qaadanay Ingiriiska ee 26-ka June maalmaha Qaranka dhammaantoodna waxay mudan yihiin in la wayneeyo.”

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY