Man City oo Guul-darrada Xilli-ciyaareedkii Hore Kaga Jawaabaysa iibka Laacibiinta ugu Fiican

0
1373

HargeisaPress — Manchester City ayaa ballan-qaaday inay hungadii xilli-ciyaareedkii hore ka raacday kaga jawaabayso inay sannadkan ka dhex-muuqato suuqa kala iibsiga ciyaartoyga, isla markaana laacibiinta ugu fiican ka urursato.

Mulkiile Khaldoon Al Mubarak waxa uu caddeeyay inay sannadkan lacag dhan 150 milyan pound u diyaariyeen iibka afarta laacib ee Raheem Sterling, Paul Pogba, Kevin De Bruyne iyo Giannelli Imbula.

Kooxdan ka dhisan Ingiriisku waxay qorshaynaysaa inay Sterling ku iibsato lacag dhan 25 milyan pound, halka Kevin De Bruyne isna uga qoondaysan lacag qadarkeedu yahay 30 milyan pound.

Waxa kaloo 22 milyan kaga rabtaa Giannelli Imbula oo u ciyaara, halka Pogba kaga rabaan 73 milyan pound, balse qiimaha ay laacibiintan ku doonayso ayaa yar marka la barbar dhigo lacagta ay rabaan naadiyada ay u kala ciyaaraan.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here