Malala Yousufzai iyo Kailash Satyarthi Oo Ku Guulaystay Abaal Marinta Caalamiga Ah Nobel Peace Prize

0
816

Birmingham, England.(HargeisaPress) — Malala Yousufzai iyo Kailash Satyarthi, ayaa ku guulaystay Abaal Marinta Caalamiga ah ee Nabada Nobel Peace Prize. Malala oo ah Gabadh 17 jir ah ayaa u dhalatay wadanka Pakistan, waxaanay u Ololaysaa Waxbarashada Gabadhaha. Daalibaan ayaa sanadkii 2012-ka madaxa ka toogtay Malala, iyadoo u Ololaynaysa Waxbarashada Gabdhaha.

Kailash Satyarthi oo 60 jir ah ayaa isna u dhashay dalka Hindiya, waxaanu u Ololeeyaa Caruurta Lagu shaqaysto. Waxa uu hogaamiyay Banaanbaxyo badan oo lagaga soo horjeesto Caruurta lagu shaqaysto, iyadoo qaar badana ku badbaadeen Ololihiisa iyo dadaalka uu u Galay. waxa uu sidoo kale badbaadiyay tobanaan kun oo Caruur la gumaysan jiray ah, isagoo u sameeyay mustaq bal waxbarasho iyo inay Nolol fiican ku noolaadaan.

Guddida Bixinaysa Abaalmarinta Nabada ee Caalamiga ah ayaa sheegay inay ku mutaysteen dadaalka iyo halganka ay u galeen Xuquuqda Caruurta iyo gargaarka ay u fidiyeen Caruur la cabudhinayay.

“Caruurtu waa inay Dugsiyada Aadan oo aan Dhaqaale lagu lunsan,siiba meelaha dagaaladu halakeeyeen. Dhibaatooyinka Caruurta oo sii socdaa waxay horseedaysaa dagaal Jiilba Jiil u soo gudbiyo” ayay guddidu ku tidhi farriin ay diraysay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY