Malaayiin Muslimiin ah oo Maanta Taagan Carrafo + SAWIRRO

0
993
The four-faced Mecca Clock Tower is seen from the top of Mount Al-Noor.
The four-faced Mecca Clock Tower is seen from the top of Mount Al-Noor.

MECCA, Saudi Arabia , (HargeisaPress) — Buurta Carrafo ayaa waxaa maanta taagan malaayiin Muslimiin ah oo gudanaya waajibka Xajka, kuwaasoo ka kala yimid daafaca calaamka.

Xujeydan oo Xidhan dharka cad-cad ee lagu qayaanno xaajiga ayaa waxay ka baryayaan Alle dambi-dhaaf iyo nolol wanaagsan oo dunida ah, iyadoo Nebi Muxamed (NNKH) uu horay u sheegay in qofkii Alle ku barya buurta dusheeda uu Eebbe bayadiisa ka aqbalayo.

Dadka sannadkan xajinayaayaa waxaa ku jira kumannaan Soomaali ah oo ka yimid daafaha caalamka, kuwaasoo isugu jira dhallinyaro, da’ dhexaad iyo waayeel, waxayna qaarkood u sheegeen warbaahinta gudaha iyo midda caalamiga ah inay Alle ka baryaya inuu Somalia ka dhigo dal xasilloon, quluubta dadka Soomaaliyeed uu isku soo duwo.

Soomaalida sannadkan xajka gudanaya ay tiradoodu gaadhaysa 7,440-qof, kuwaasoo ka kala yimid caalamka daafihiisa iyo gudaha Soomaaliya.

Xajka ayaa wuxuu ka mid yahay tiirarka uu ku taagan yahay Islaamka, iyadoo qofka muslimka ah laga doonayo hal mar noloshiisa oo dhan inuu soo guto, waxaana faa’iidooyinkiisa ka mid ah in adoommadiisa booqday buurta Carrafo uu ka dhaafo dambiyada.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here