Malaayiin Muslimiin Ah Oo Maanta Taagan Buurta Carafa Iyo Waajibaadka Ay Gudanayaan + SAWIRRO

0
1250
Millions of faithful arrive in Makkah

MAKKAH, (HargeisaPress) — Xujaaj tiradoodu gaadhayso laba milyan oo xujay oo ka kala yimid wadamada muslimiinta ee caalamka ayaa maanta taagan buurta Carafa.

Xujaajtan oo gudanaya rukniga ugu muhiimsan acmaasha xajka ayaa iskugu tagay buurta Carafa, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan ilaa saacadaha soo socda.

Kumanaan soomaali ah oo ka kala yimid wadamada caalamka iyo deegaanada kala duwan ee soomaalidu degto ayaa ka mid ah dadka muslimiinta ah ee maanta taagan buurta Carafa.

Maalinta Carafa ayey muslimiintu gutaan rukniga ugu muhiimsan ee waajibaadka Xajka iyada oo guud ahaan dadka muslimiinta ah ee aan ku sugnayn xajkuna ay soomaan, waxaana ay dadka muslimiinta ahi ka faa,iidaystaan maalintan carafe.

Dawlada sucuudiga ayaa sanadkan samaysay adeegyo cusub oo ay ku soo kordhisay Xajka, iyada oo si weyn looga taxadiray inay dadka xujaajta ahi la kulmaan cidhiidhi ka dhaca inta la gudanayo waajibaadka xajka.

Muslimiinta gudanaya waajibaadka xajka ayaa marka ay qoraxdu dhacdo waxay u dareeri doonaan Musdalifa oo ay ku sugnaan doonaan ilaa habeenimada si ay u dhamaystiraan gudashada xajka.

Maalinta berri oo ah 10-ka Carafo waa Maalinta Ciidul Adxa , waa ciidaha uu Islaamku weyneeyo, waxaana looga baahan yahay Muslimiinta inay sadaqo la baxaan, qofkii awoodana uu gowraco neef, si uu u sadaqeysto.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here