MAHAD-NAQ: Muddadii aan ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland

0
839

HargeisaPress —Ugu horeyn, ILAAHAY ayay mahad oo dhammi u sugnaatay, Nabadgelyo iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Maalintii shalay waxaan si rasmi ah aan u wareejiyay xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan muddo 4-sanno iyo 9-billood iyo maalmo aan ahaa.

Mar labaad waxaan uga mahad-celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ii gartay inaan qarankayga u sii shaqeeyo, kaas oo ii beddalay Wasaaradda Xidhiidhka Golleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka oo qiimo weyn ugu fadhida Qarankeenna. Sidoo kale waxaan isagana mahad-naq iyo abaalba ugu hayaa Madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isagu ii magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha July 2013, waana Madaxweynihii ugu horeeyay ee ku dhiiraday inuu Dhallinyarada xilal culus ku aamina, tallada dalkana ka qeyb-geliyay horumarka ciyaarahana kor u soo qaaday.

Waxaan Qaddarin, Mudnaan, Sharaf iyo Aamminaad aad u weyn u hayaa masuuliyiintii Wasiiraddii aan soo wada shaqeynay, waxaanan iyagana iloobi karin guud ahaanba Shaqaalo weynaha Wasaaradda ee gobollada dalka, Shaqaalaha xarunta, Agaasimo Waaxeedyadda iyo Madax qeybeedka, sidii Hufnnaanta iyo Xil-kasnimadda lahayd ee aanu u soo wada shaqeynay, taasi oo ay ku timid horumar iyo guul kasta oo noo qabsoontay.

Mahad kale oo Mug iyo Miisaan Xambaarsan waxaan u celinayaa Dadkii inta aan xilka hayay aanu ka middeysnayn Fikirka, Fahamka iyo Arragtidda ay ciyaaruhu ku horumari karaan, kuwaas oo Dalka iyo Dibeddiisaba jooga oo markasta i Dhiirri-gellinayay iyo kuwa Tallooyinka, Tilmaamta iyo Toosinta wanaagsan i siinayay.

Waxa kale oo aan Maanka ku hayaa isla markaana Mahad-naq Kal iyo Laab ah u hayaa dhammaanba Asxaabtayda, Ehelka iyo cidkasta oo igu soo Hambalyeysay iiguna Duceysay in Xilka cusub ILAAHAY igu Asturo sida ugu Daacadsana ugu shaqeeyo Dalkayga iyo Dadkayga.

Waxaan ku Faraxsanahay in aanan Dheg u dhiggin, iskuna Mashquulin cidkasta oo si Muuqata iyo si Qarsoonba, Dhaliil iyo Dhaleecayn danno walba lahayd ii soo jeedin jiray, anniguna aan Sumcaddeyda iyo Aakhiradeyda dartood aan uga dhowrsaday u jawaabidooda.

Ugu dambeyntii, waxaan dar ILAAHAY, Cafis iyo Saamax uga dalbanayaa cid kasta oo wax iga Tirsanaysa ama isu arkaysay Waajib iga saarnaa inaan ka gaabiyay. Waxaan Cafiyay cid kasta oo intii aan xilka Wasaaradda hayay danta Dhallinyarada iyo Ciyaaraha awgood ama xataa in ay xil noo dhex ah iga riixato darteed ii Calool-xumayd, i Xamatay ama ii Cambaareysay.

Wabilaahi Tawfiiq.

Guul iyo Gobbonnimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here