Magacyada Salaadiin Iyo Ganacsato Reer Somaliland Ah Oo La Sheegay Inay Garowe U Tageen Xal U Raadinta Dagaalka Tuko-Raq

0
1070

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maalmihii u dambeeyay waxa magaalada Garowe ee xarunta Puntland ku sugnaa waxgarad reer Somaliland ah oo dhawaan ka kicitimay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Waxgaradkan reer Somaliland oo aan ujeedada safarkooda war rasmi ah laga haynin, ayaa la sheegay inay Garowe u tageen sidii dagaalkii Tuko-raq ka dhacay loogu dhammayn lahaa wada hadal islamarkaana looga dheeraan lahaa in dagaal dambe jiidaas ka qarxo.

Odayaashan oo isugu jira Salaadiin iyo ganacsato ayaa waxa la sheegay inay dhawrkii maalmood ee ay halkaas joogeen kulamo la yeesheen madaxda dhaqanka iyo ganacsatada reer Puntland oo ay ka wada sheekaysteen sidii colaadaas Tuko-raq loogu dhammayn lahaa nabadgelyo.

Warku wuxuu sheegay inaanay odayaashani wax kulan ah la yeelan cid ka tirsan maamul goboleedka Puntland, waxaanay kulamadoodu ku koobnaayeen madaxda dhaqanka iyo ganacsatada.

Lama oga in odayaashani safarkooda ku wargeliyeen xukuumadda Somaliland, waxase ay wararka qaar sheegayaan in xukuumadu ka war qabtay socdaalkooda nabadeed. Waxgaradkan oo ka kooban 7 xubnood, waxa la filayaa inay maanta ku soo laabtaan magaalada Hargeysa, iyagoo wata diyaarad gaar ah oo ay ku tageen kagana soo noqdeen Garowe.

Magacyadooda ayaa kala ah:

  1. Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
  2. Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen
  3. Axmed Aadan Buuxane
  4. Ganacsade Jamaal Caydiid Ibraahim
  5. Ganacsade Cismaan Baane
  6. Ganacsade Xasan Yuusuf
  7. Siciid Aadan Guuleed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here