Magaalada Berbera Oo Lagu Laayey Shaqaale Ajaanib Ah Iyo Sababta Keentay + SAWIRRO

0
869

Berbera,(HargeisaPress) —Shaqaalaha muruqmaalka ee magaalada Berbera ayaa gacanta ula tagay shaqaale ajaanib ah oo ka hawl gala goobo kala duwan oo ku yeela magaaladaasi.

Talaabada ay qaadeen shaqaalaha muruqmaalka ee magaalada Berbera ayaa ka dambaysay ka dib markii ay soo foodsaartay camal la,aan baahsan iyada oo shaqooyinkii ay qaban lahaayeen ay hada gacanta ku hayaan qaar ajaanib ah oo ka yimid wadamada dibada gaar ahaan bariga qaarada Aasiya.

Shaqaalaha muruqmaalka ee magaalada Berbera ayaa dhaawac u gaystay shan ka mid ah shaqaalaha ajaanibka ah ee ka hawl gala magaalada Berbera, iyada oo dhawaacoodana la dhigay cusbitaalka guud ee magaaladaasi.

Ilaa hada xukuumada somaliland kamay hadlin talaabada ay qaadeen shaqaalaha muruqmaalka ah ee magaalada Berbera iyaga oo maalmihii ugu dambeeyeyna warbaahinta marinayey fariimo ay kaga cabanayaan shaqaalaha ajaanibka ah ee haya shaqadii ay iyagu qaban lahaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here