“Madaxweynuhu wuxuu nasiib u yeeshay in shacabkiisii uu ka hello kalsooni buuxda iyo sida uu siyaasadda”… Cali Baashe

0
1041

Ceerigaabo (Hargeisa Press.com): Siyaasi Cali Baashe Xaaji Maxamuud, oo ka mida siyaasiyiinta ka soo jeedda gobolka Sanaag ayaa sheegay in aanay shacabka Sanaag taageersanayn falalka ay kooxda kornayl Caare ka gaystaan degaamo ka tirsan gobolkaasi.

Waxaanu sheegay in kooxdaas ka soo duusha Qardho ay tahay koox gaara, isla markaana ficiladda ka soo yeedhayaa aanay ahayn kuwo la qaadan karo wax dan ahna aanay ugu jirin shacabka gobolka Sanaag.

Siyaasi Cali Baashe, ayaa sidoo kale uga digay kooxda Caare  in haddii ay joojiyaan waayaan waxyaabaha ay aloosayaan in shacabka Sanaag aanay marnaba aqbalaynin in degaamadoodda dhibaato laga gaysto.

Geesta kale   Cali Baashe, waxa uu  ka hadlay safarkii madaxweynaha Somaliland dhawaan ku soo maray goboladda bari ee dalka, colaad beeleedyadii ka kala dhacay degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag iyo degaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sanaag.

Halkan Ka Daawo Siyaasi Cali Baashe Xaaji oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here