Madaxweynihii hore ee Masar oo Maanta lagu Xukumy Dil Toogasho

0
850

CAIRO —Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi iyo 105 ruux oo kale oo ka mid ah taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin ayay maanta maxkamadi ku xukuntay dil toogasho ah.

Dadka xukunka lagu riday waxaa ku jira Sh. Yuusuf Al-Qardaawi oo ka mid ah culumada waaweyn ee Masar oo ku nool dalka Qatar iyo hogaamiyaha Ururka Ikhwaanul Muslimiin oo dalkaas laga mamnuucay.

Mursi ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii xukunka dalkaas laga tuuray bishii July ee 2013-kii, iyadoo lagu eedeeyay inuu galay Qiyaano Qaran iyo inuu ka Dambeeyay Maxaabiis ka baxsaday xabsi Sannadkii 2011-kii.

Garsooraha maxkamadda Masar ayaa ku dhawaaqay xukunka, iyadoo Mursi uu tan iyo intii uu xukunku dhacay aamusnaa, isagoo ku sugnaa qol yar oo loogu talo-galay in maxaabiista la keeno.

Mas’uuliyiinta millateriga ah ee dalka Masar ayaa ka mamnuucay dalkaas ururka Ikhwaanul Muslimiim oo uu Mursi ka tirsan yahay, iyagoo ku eedeeyay inay yihiin Kooxo Argagaxiso ah oo doonaya inay dalkaas dhibaatooyin u horseedaan.

2015516635673613740116266Dil_lagu_xukumay_Maxamed_Mursi

Bishii lasoo dhaafay ayay maxkamad ku taalla Mar waxay Mursi iyo 12-qof oo kale oo ka tisran Ikhwaanul Muslimiin min20-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu eedeeyay inay mas’uul ka ahaayeen jirdil iyo xarig loo geystay dad dibadbaxayaal ah sannadkii 2012-kii.

Xukunkan dilka ah ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweynihii talada laga tuuray ee Masar lagu rido tan iyo markii la xiray, iyadoo markii xukunkan uu dhacay ay taageera-yaashiisu ku tilmaameen xukunkan mid aan sharci ahayn.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here