Madaxweynihii Hore ee Masar oo lagu soo oogay Dambiyo Qiyaano Qaran ah

0
913

Maxamed MursiCairo ,(HargeisaPress) — Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Maxamed Mursi ayaa lgau soo oogay dambiyo cusub, iyadoo war ay soo saartay dowladda Masar lagu sheegay inuu sirtii dalka u gudbiyay Qatar.

Dambiyadan ayay dowladdu ku sheegtay inay yihiin kuwo qiyaano qaran ah, iyadoo aysan dowladdu soo bandhigin caddeymo la xiriira eedeymaha cusub ee ay u soo jeedisay madaxweynihii hore ee Masar.

Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Masar oo si dimuqraaddi ah loosoo doortay, iyadoo horay maxkamad loo keenay, xilli lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin inuu bixiyay amar ah in la dilo dad dibadbax dhigayay.

Xukuumada Militariga ah ee Masar ayaa muddo sannad ka badan xabsiga ku haysa Mursi, iyadoo dhowr jeer oo maxkamad la horkeenayna aanu jirin wax xukun ah oo lagu riday.

Mursi oo ka tirsan Xarakada Akwaanul Muslimiin ee dalka Masar ayaa waxaa xukunka ka tuuray milateriga dalkaas, waxaana kooxda uu ka tirsan yahay lagu tilmaamay inay koox argagaxiso ah.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar ayaa weli rumeysan inuu yahay kan dhabta ah ee Masar madaxweyne ka ah, wuxuuna milateriga dalkaas ku eedeeyay inay afgambi ku qabsadeen xukunka.

Eedeymahan cusub ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee lagu soo oogo madaxweynihii hore ee Masar, iyadoo aysan xukuumadda Qatar weli wax jawaab ah ka bixin hadalka ku saabsan in sirtii Masar loosoo gudbiyay.

Dalka Masar ayaa waxaa dhawaan madaxweyne loogu doortay C/fataax Al-siisi oo ahaa madaxii milateriga dalkaas, iyadoo weli ay dalkaas ka jiraan xiisado ka dhashay xukun ka tuuristii madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loosoo doortay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here