Madaxweynihii hore ee DDSI oo maanta Xabsiga loo taxaabay

0
968

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar ayaa warbaahinta Itoobiya baahisay isagoo lagu sii waddo xabsiga.

Cabdi Maxamed Cumar ayaa mudadii u dambaysay ku jiray xabsi guri, haseyeeshee waxa maanta loo dhaadhiciyey jeelka, waxaana laga siidaayey Telefishanka Itooobiya iyagoo ay hareero socdeen ciidanka amniga oo ku sii waday xabsiga.

Sidoo kale, Warbaahinta Itoobiya ayaa soo bandhigay hub laga helay gurigiisa oo la sheegay inay ahaayeen hub sharci daro ah oo aan dawlada u sharciyeysnayn.

Madaxweynaha cusub ee Deegaanka Soomaalidda Mustafe Muxumed Cumar ayaa bartiisa Facebooga ku sheegay inuu ka xun yahay isagoo bahdilan in xabsiga loo taxaabay, haseyeeshee waxa uu xusay in dambiiile kasta sidaas ku dambayn doonno.

“Kuma Faraxsani In Maanta ina iley jeel loo taxaabo issagoo bahdilan, inkastuu uu ahaa dambiile laakiin dadbadan oo kale ayey cashir iyo kudayasho u tahey”ayuu yidhi Madaxweyne Cagjar oo qoraal kooban ku baahiyey bartiisa baraha bulshadda uu ku leeyahay ee Facebooga.

Madaxweynihii hore ee deegaanka Cabdi Maxamed Cumar ayaa loo haysta dambiyo badan oo uu intii uu xukumayey u gaystay shacabka Soomaalidda iyo tii u dambaysay ee Jigjiga ka sameeyey ee dhalisay rabshadihii ka dhacay deegaanka Soomaalidda, taas oo loo haysto inuu isagu dadka ku kiciyey dawlada dhexe ee Itoobiya.

Barkhad-ladiif M. Cumar,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here