Madaxweynihii Dalka Zimbabwe Mugabe oo Is-casilay Dareenkii Dadkiisu Kaga Jawaabeen

0
1120
President Robert Mugabe and his wife Grace Mugabe

Harare, (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe, ayaa xilkii iska casilay Maanta, sida uu sheegay Afhayeenka Baarlamaanka waddankaas Jacob Mudenda, ka dib markii Millaterigu talada dalka la wareegeen toddobaadkii hore.

Waraaq uu soo qoray Mugabe, ayuu ku sheegay in uu iskii u gaadhay go’aankas, si uu u fududeeyo awood wareejinta. Kudhawaaqidan layaabka leh, ayaa markii lagu dhawaaqay dabaal-deg, ayaa ka billawday Baarlamaanka, Shacabkuna waxay billaabeen in ay waddooyinka ku damaashaadaan.

Mugabe, ayaa hore u diiday in uu xilka iska casilo, inkastoo ay awooddii la wareegeen Ciidammada Millaterigu toddobaadkii hore, muddahaaradyo baddan oo arrintaas lagu dalbanayana ay dhaceen.

Waraaqdu may sheegin cidda Mugabe xilka kala wareegi doonta. Dastuurka dalkaasina wuxuu qabaa in uu xilka la wareego madaxweyne ku xigeenka talada haya Phelekezela Mphoko, kaas oo aad u taageersan xaaska madaxweynaha Grace Mugabe.

Afhayeenka Baarlamaanka, ayaa sheegay in uu socdo qorshihii hoggaamiye cusub lagu dooran lahaa Arbacada. Ra’iisul-wasaaraha Britain Theresa May, ayaa sheegtay in iscasilaadda Mugabe ay dalka Zimbabwe u horseedayso fursad iyo jid cusub oo xor ka ah caburintii maamulkiisa wehelisay.

Waxay sheegtay in Britain oo ah saaxiibka ugu wakhtiga dheer ee Zimbabwe ay gacan ka gaysan doonto taageeridda doorasho xor iyo xalaal ah iyo dib-u-dhiska dhaqaalaha Zimbabwe. Robert Mugabe, ayaa xilka hayay tan iyo markii uu dalkaasi xornimada qaatay 1980-kii.

Intii wakhtigaas ka dambaysayna Mugabe, ayaa doorashooyinka ku guulaysan jiray, balse 15kii sano ee u dambeeyay waxaa hadheeyay rabshado ka dhan ahaa dadka ka soo horjeeda. Dhaqaalaha dalkaas oo dhulka ku sii hoobanaya ayuu dalka soo maamulayay, dadka Zimbabwena 15% ayay hadda ka fiqiirsan yihiin sidii ay ahaayeen 1980-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here