Madaxweyne,Waxaan Ku Leeyahay Doorashada Qabo,Marka Lagaa Helana Gelbis ku wareeji siddii Daahir” Mujaahid Cali xaraaro “

0
908

Mujaahid cali cismaan Libaax (Cali Xaraaro) ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ku soo fool leh,mujaahid Cali xaraaro waxa uu madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyay inuu doorashada ku qabto waqtiga loogu talo galay ee 26-ka June ee 2015-ka,isla markaana uu ku wareejiyo marka laga helo siddii karaamada lahayd ee madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Rayaale ugu wareejiyay Siilaanyo,mujaahid Cali Xaraaro waxa uu eedo u soo jeediyay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu sheegay inay dalka gelisay xaalad adag.

Mujaahid Cali Xaraaro waxa kale oo uu qoraalkiisan uu soo dhigay barta Facebook-ga uu ku leeyay kula hadlay,isla markaana farriin ugu gudbiyay guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Gaal,waxaana qoraalkiisu uu dhignaa sidan:

Hal waxaan odhanayaa Axmed siilaanyo halna waxaan odhanayaa Saleebaan gaal hal kalena waxaan odhanayaa muuse biixi Axmed siilaanyo waxaan leeyahay anigu kumaan dooran oo cod kumaan siin manaan jecleyn inaad dalkan madax weyne ka noqotid hase yeeshee anigoo ixtiraamaya distoorka iyo sharciga dalka u yaala waxaan ogolaaday inaad madax weyne ii tahay mudo shan sanadooda oo lagu doortay hadaba mudadii lagu doortay dhawr bilood ayaa ka hadhay marka laga reebo dad yar oo fara ku tirisa mooyaane.

dad weynahu wuxuu sugayey markuu wakhtigu kaa dhamaado inaad ka tagto adoon dhibaato geysan waxba yaanay been kuu sheegin kuwa kula jooga ee ku nool beenta ay kaa iibiyaan, ha noqon sidii siyaad ee lagu mada daalin jirey wararka idaacada muqdisho iyo wargeyskii xidigta oktoobar, ka dibna lagu qaban gaadhey qasrigii uu degenaa, waxba uulamaad hadhin dadkan iyo dadkan khiyaamo qaran ayaad samaysay laguma weydiin, hantidii ayaad sidaad doonto ka yeeshey laguma weydiin tacadi xadhig cabudhin ayaad saxaafada iyo xuruyatal qawlka ku samaysey, laguma weydiin nidaamkii xisbinimada iyo dimuqraadiyada ayaad bur burisey laguma weydiin qabiil iyo beeleysigii laga gudbey ayaad soo celisey laguma weydiin.

hadaba waxaan ku leeyahay laba qodob ayaa kuu yaala inaad raganimo samayso oo aad ku dhiirato inaad doorasho qabato oo marka lagaa helona gelbisid sidii madax weynihii kaa horeyey mudane daahir rayaale kaahin iyo koley waad tegeysaaye inaad dhiig qul qula iyo magac xumo ku tagtid ayaa kuu taala.

saleebaan gaalna waxaan leeyahay mudo dheer ayeynu wada joogney Ururkii Asad ayeynu wada ahayn waxa iskugu keen dembeysey markaad ka qayb gashay shirkii gar adag waxaanse ku leeyahay ha ku talaabsan mudo kordhin aan la isku ogeyn ama raali laga wada ahayn.

muuse biixina waxaan leeyahay fooqii aad dooneysey waad dhisatay cambaaburkii aad jecleydna waad cuntay, kaalay oo hebel u jawaab waa ceeb aan kaa hadhayn xisbigana guddoomiyaha dhabta ah carruurta ayaa maanta taqaan, ee waxaan ku leeyahay “ha u dhuran siddii dhurwaagii laftuu dhuuxay eersaday”

 

Mujaahid Cali xaraaro

LEAVE A REPLY