Madaxweyne Xigeenka Somaliland oo Shacabka iyo Muslimiinta ku Hambalyeeyay Ciidal Fidriga

0
971

Madaxweyne ku xigeenka SomalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Madaxweyne Xigeenka Somaliland, ahna kusimaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa Hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo Umadda Muslimiinta ah Munaasibada Ciidal Fidriga Awgeed.

Madaxweyne Xigeenka oo Gurigiisa kula hadlay warbaahinta ayaa si gaara u hambalyeeyay Ciidamada Qaranka, siiba kuwa ku sugan Jiida hore.

“Umadda Muslimiinta iyo Dadka Reer Somaliland meelay joogaanba, waxaan ugu hambalyaynayaa, Ciidal Fidriga ee Aynu Nabad qabka ku soo gaadhnay. Waxaan si gaar ah Hambalyo ugu dirayaa Ciidamada kala duwan ee Amniga Sugaya, waxaan si gaar ah ugu sii dirayaa Hambalyo Ciidanka Qaranka ee Jiida hore jooga” ayuu yidhi Madaxweyne Xigeenku.

Kusimaha Madaxweynaha Somaliland waxa uu Umadda Somaliland Illaahay uga barayay Caafimaad iyo Cimri dherer “ Hambalyadaa ka dib waxaan Umadda Somaliland Illaahay uga baryayaa inuu Ciidan Ciideeda inagu gaadhsiiyo Caaafimaad qab iyo Cimri Dherer,Bash-bash iyo Barwaaqo ku gaadhno oo Illaahay Himilada Somaliland hiigsanayso sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo wada jir. Waxaan si aad ah ugu faraxsanahay in Bishii Ramadaan inoogu dhamaatay si nabad galyo ah.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY