Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Kadis Ah Ku Soo Indho-indheeyay Xarunta Dawladda Hoose Ee Hargeysa

0
981

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Kormeer KadisHargeysa,(HargeisaPress) — Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, ayaa galinkii hore ee maanta kormeer kadis ah oo aan hore loo sheegin ku tagay Xarunta Dawladda hoose ee Hargeysa.

 

Madaxweyne xigeenka ayaa kormeerkiisu ku saabsanaa kormeerida hawlaha shaqo ee Dawladda hoose u hayso Bulshada iyo adeegyada ay fuliyaan sida ay uga socdaan Xarunta Dawladda hoose.

Madaxwayne ku Xigeenka oo kulan la yeeshay Duqa caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) kuxigeenka Duqa , Cabdicasiis Cago-weyne, Xoghayaha Dawlada Hoose,iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawlada Hoose ,ayaa waxa uu kala hadlay in ay xoojiyaan ,isla markaana ay laba laaban laabaan adeegii shaqo ee ay ummada u hayeen. waxa uu soo jeediyay in degde loo furo sariibada Qudhac dheer oo dhismaheedu jiitay islamarkaan muhiimad u leh dadka degmada Maxamuud haybe ku nool.

 

Duqa Caasimada C/Raxmaan Maxamuud Caydiid oo hadal kooban halkaasi ka soo jeediyay ayaa waxa uu sheegay in masuuliyiinta dawlada hoose ay diyaar u yihiin dadaal kasta oo ay u arkaan in ay ku wanaajin karaan adeega ay Bulshadooda u hayaan.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu dusha ka maamulaa mashruuca JPLG-ga ee horumarinta dawladaha Hoose.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY