Madaxweyne Siilaanyo galabta kormeer ku soo Maray Suuqyada Caasimada Somaliland + DAAWO SAWIRRADA

0
886

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Axmed Maxamd Silanyo waxa uu galabta markay saacadu ahayd 4:00 PM ilaa 6:15 PM uu kormeer ku soo maray suuqyada caasimada Somaliland ee Hargeysa, hotel Ambassador, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

galabta 7

 

Kormeerkan Madaxweynuhu ku soo maray goobaha ugu muhiimsan caasimada ayaa daarnaa xogogaal u noqoshada xaalada guud ee shacbiga iyo goobaha ganacsiga.

galabta 6

Waxaanu madaxweynuhu socod lug ah ku soo maray badhtamaha laamiyada, suuqa koowaad ee waaheen, isaga oo gacan qaad iyo gacan tacantaagba u fidinaayey shacbigii ku sugnaa goobaha ganacsiga oo isugu jiray kuwo ka adeeganaayey iyo kuwii iibinaayeyba ama mulkiilayaashaba.

galabta 77

 

Madaxweynaha oo ganacsatada ku sugnaa suuqa waaheen qaar ka mida waydiiyey qiimaha qaar ka mida agabkii ku sharaxnaa miiska ayaa waxa ay indhihiisu qabteen calamada Somaliland ee xad dhaafka ah looguna diyaar garoobayey xuska 18 may oo ah maalin shacbiga Somaliland qiimo weyn ugu fadhida, isaga oo madaxweynuhu ka mid noqday dadkii laymanka ugu jiray inay  iibsaday Calamada Somaliland.

galabta 3

 

Ka dibna waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca hotel Ambassador oo uu la qaxweeyey wakhtina la qaatay dadweynihii ku sugnaa ee goobta joogay oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin iyo qaybaha bulshada.

11011998_10153223921347789_5184385719307681305_n

Isaga oo madaxweynuhu badhtanka kaga jira kormeerkiisa xogogaal u noqoshada waxa uu soo maray suuqa labaad ee ugu balaadhan hargeysa ee loo yaqaan gobonimo, madaxweynuhuna dhex lugeeyey suuqa gobonimo ka dibna uga sii gudbay kaalinta indho-birta oo ka soo horjeeda suuqaasi, halkaasina uu madaxweynuhu ka tukaamaystay.

galabta 88

 

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo ah wasaarad cusub oo aad u qiimo badan dhawaana la dhamaystiray waxaana madaxweynaha ku soo dhaweeyey wasaarada wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland wasiir Cali Maxamed Warancade. madaxweynaha iyo marwada koowaad marwo aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde oo ku wehelinaysay Madaxweynaha kormeerku waxay halkaasi ku qaateen qadar nasasho ah, ka dibna waxay ku soo hoyden qasriga madaxtooyada.

GALABTA2

 

Waxaana kale oo madaxweynaha kormeerkan ku wehelinaayey.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade

Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi aadan

Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali axmed Cali

Taliyaha Ciidanka Booliska, Cabdilaahi Fadal Iiman

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Axmed  Cali Maygaag  

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here