Madaxweyne Silaanyo Oo Guddoomiyey Shirkii U Dambeeyay Ee Xukuumadiisa Uu Xilku Ka Dhammaadey + SAWIRRO

0
1353

Hargeysa , (HargeisaPress) —Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta shir guddoomiyey shirkii golaha wasiirada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii 232aad, kuna beegnaa kal-fadhigii ugu danbeeyey xukuumadda Madaxweyne Silaanyo ee dalka ka talinaysay toddobadii sanno ee ugu danbaysay, iyadoo ay berri kaga eegtay xukuumadda xilkii shacbigu u doorteen madaxweyne Silaanyo, isagoo madaxweynuhu ku wareejin doona madaxweynaha cusub ee dhawaan shacbiga Somaliland u doorteen inuu tallada dalka hoggaamiyo shanta sano ee soo socda.

Madaxweyne Axmed Silaanyo oo la hadlay xubanaha xukuumaddiisa ayaa yidhi “Mudanayaal iyo Marwooyin, Ugu Horrayn, sida aad la socotaan, berrito, waxaan qaranka ku wareejinayaa Madaxweynihii la doortay. Waxaan xubnaha Golaha Wasiirada iyo Hay’adaha Madaxa-bannaan uga  mahad-naqaya, xil-wareejinta, aad soo gudbiseen.  Dhammaanteen, waxa sharaf inoo ah in aynu is-garab taagnay xilligii Ololaha Xisbigeena, taasoo sababtay inuu guulaysto.

Mar labaad, waxaan jecelahay, in aan idiinka mahad-celiyo, sidii aad iila soo shaqayseen, muddadii aan xilka hayey. Waxaan leeyahay, mallahayga, anna idiin ma darnayn, idinkuna igumaydaan noqon caasi waalidiin. Gobtu, marka ay kala boqoolayso, ma kala cabbato, ee  waxay ku kala tagtaa, gallad iyo wanaag Sidaa darteed, waxaan idinkaga tagayaa niyad wanaag, duco iyo abaal aan guurin. Waxaan idiin rejaynayaa caafimaad, cimri-dheer camal suuban, mustaqbal fiican iyo magac weyn, in aad ku noolaataan. Insha Allaah”.

Ka dib markii shirku soo xidhmay waxa uu madaxweynuhu golihiisa wasiirada la galay sawir taariikhi ah oo ka turjumaya wada-shaqayntii wanaagsanayd iyo muddo xileedkii ay soo wada qaateen madaxweynaha iyo xukuumaddiisu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here