Madaxweyne siilaanyo waanu ku hanbalyeynaa Dhiiri Gelinta Iyo Mooraal Dhiska Ciidamada Kala Duwan ee Qaranka By: Cali Xasan Cawaale

0
1219

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Xukuumada uu hogaanka u hayaa waa wax lagu amaano  loogu mahadiyo oo lagu hanbalyeeyo  Habaynta dhismaha, qurxinta iyo soo celinta karaamada iyo haybada Ciimada qaranku leeyihiin, waxaa hubaal in markii Xukuumada Madaxweyne siilaanyo dalka qabsatay  inay kor u qaaday  hanaanka dhismaha ciimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadu waa ku mahadsan yahay  sida uu markasta u dhiiri geliyo Ciidamada ugala qeyb galo xususka gaarkaa korna ugu qaado mooraalkooda, waa mid uu ku suntahay amaanteedana leeyahay Axmed Maxamed Maxamuud Aadan, wuxuu markasta Ciimada kala duwan kala qeyb galaa xususka maalmaha u astaysan Ciidamada Qaranka haday yihiin Milatariga, Booliska, Asluubta  sido kale Madaxweyne siilaanyo wuxuu goob joog ka ahaada tababarada ciidamadu ku dhamaystaan Dugsiga Tababarka Ciidanka Ee Dararaweyne .

Madaxweyne siilaanyo waa Madaxweynihii ugu horeeyey Taariikhda Somaliland  Ciidamada Qaranka u xidhay Derajooyin taasoo ah wax aduunka loogu faano, waxaana ay kamid ahayd balan qaadyadii wakhtigii ololaha uu balan qaaday Madaxweyne siilaanyo isagoo wakhtigaasi ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye, waxaana ay kamid noqotay  balan qaadyada fulay iyadoo nidaamka derajabixinta ciidamadu uu noqday mid furan oo jiraya inta qarankani jiro, cida ku dhiiratay ee samaysay islamarkaana qeybisay uu yahay Madaxweye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ilaahay cimriga iyo caafimaadka haw barakeeyee.

Iyadoo la ogyahay Taariikhda Somaliland Axmed siilaanyo halgankii doorkii hogaamineed ee uu ku lahaa SNM iyadoo la ogaa inuu ahaa ninkii rajiimkii siyaad bare ka fadhi kariwaayey ee uu la ciyaaray siyaasad iyo istiraajiyad dagaal oo xeel dheer,  Mudane Xaaji Axmed wuxuu ahaa ninkii dadkiisa iyo dalkiisa ugu tudhay sideetan cod oo laga musuqay abaalkeedii iyo nasiibkeediina wuu helay dadka Somaliland waxay kusoo saareen cod doorasho oo madaxweyne kusoo baxo kii ugu badnaa.

Dadweynaha kala duwan ee Somaliland waxay markale u heelanyihiin balana qaadeen  inay markale iyo markaleba  dooranayaan Madaxweynaha Sharafta mudan ee Indhaha horuamrka u jeexay dadkana tusay inay tabcan karayaan  balanteenu waa is barartaaga iyo la shaqaynta Madaxweynaha Qaranka.

Cali Xasan Cawaale

Calixasan806@gmail.com

LEAVE A REPLY