Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Culus Oo Ka Socda Switzerland + SAWIRRO

0
891

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kula kulmay Wefti ka socda Dalka switzerland oo uu hogaaminayo Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada ee dalkaas iyo safiirka Somaliland iyo Somalia u qaabilsan oo Fadhigiisu yahay Nairobi.

Labada dhinac ayaa sheegay inay ka wada hadleen kor u qaadista Cilaaqaadka Somaliland iyo Switzerland iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhinaca horumarka islamarkaana Switzerland dhinacyada horumarka uga caawin lahayd Somaliland.

siilaanyo kulan

“Waxyaabaha ugu badan ee aanu ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii labada wadan Cilaaqaad u yeelan lahaayeen, sidii cilaaqaadkii hore ee jiray loo horumarin lahaa.waxay naga caawinayaan dhinaca Awooda, waxaanu u sheegnay in wadankani nabad yahay,inuu ilaaliyo xuquuqda Aadamaha,inuu yahay dal dimuqraadiya oo doorashooyin xor ah iyo xalaal ahi ka dhaceen” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta u sharaxay kulanka Madaxweynaha.

kulanka Switzerland

Waxa uu wasiirka Khaarajiga Somaliland sheegay inay aad u soo dhaweynayaan Weftigan oo ah kii ugu miisaanka badnaa ee ka socda Switzerland oo Somaliland yimaada.

DSC_0020-620x330

Dhanka kalena Wasiir xigeenka Khaarajiga ee Switzerland, ayaa sheegay inay Somaliland ka caawinayaan dhinacyada Siyaasadda.waxa uu sheegay in wadankiisu gacan ka gaysan doono Sanduuqa horumarinta Somaliland oo lagu taageero dhanka horumarka. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo u sheegay in wadankani yahay mid ilaaliya xorriyatul qawlka, xuquuqda aadamaha islamarkaana uu yahay Dimuqraadi.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here