Madaxweyne Siilaanyo oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ka Socday Denmark + SAWIRRO

0
1203

wasiirka Ganacsiga Denmark  iyo siilaanyoHargeysa (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hogaaminayo wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dalka Denmark Morgan Jansen.

Kulankaasi ka dib waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland iyo Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta Denmark.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in weftigan ay maanta booqdeen suuqa iyo goobaha ganacsiga si ay u soo arkaan qaabka ganacsigu usocdo iyo sida bulshadda Somaliland wax uga qaban lahaayeen.

Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta Denmark

“Wasiirka ganacsiga iyo hourmarka Denmark oo wefti balaadhan la socdaan ayaa waxay la kulmeen madaxweynaha, waxaanay booqdaan suuqa xoolaha lagu iibiyo iyo goobaha ganacsiga,” ayuu yidh Biixi oo ka hadlayey weftigan, waxaanu intaas ku daray,“ isagoo raaciyay. “Dawladda Denmark waa dawlad ay cilaaqaad inaga dhexeeyo, wax badana inala qabatay, waxaad la socotaan in sanduuqa horumarinta Somaliland ay qayb weyn ka qaataan kuna shubeen kow iyo labaatan milyan oo dollar”.

Wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta 4

Sidoo kale, wasiirka Ganacsiga Denmark Mr:Morgan jansen, ayaa sheegay inay madaxweynaha iyo wasiiradiisaba kala hadleen arrimo badan oo ay ku jirto ganacsiga, xuquuqda aadamaha iyo saxaafaddaba.

“Waxaanu doonayna sidii aanu xidhiidhka Denmark iyo Somaliland loo xoojin lahaa, waxaana caawin doonaa ganacsiga yaryar sida Kalluumaysiga iyo arrimo badan, inkasto caqabaddo badan jiraan oo aanu dawladda kala hadlay, waxa kaloo loo baahan yahay sidii xuquuqda bani’aadamka iyo xoriyadda saxaafadaba loo ilaalin lahaa,” ayuu yidhi wasiirka Ganacsiga Denmark.

 

 

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here