Madaxweyne Siilaanyo oo Ururada Bulshada Rayidka Somaliland kala hadlay ka Qayb-galka Diiwaan-gelinta + SAWIRRO

0
1003

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ururada Bulshada Rayidka ah iyo bahdda waxbarashadda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa dadka ka socday ururadda bulshadda ku guubaabiyey inay ka qaybqaataan wacyigelinta dadweynaha ee ku aadan qaadashadda kaadhka muwaadinimadda ee la filayo inay dhowaan dalka laga bilaabo.

siilaanyo ururada

“Waxay ila tahay waa waajib ina wada saaran qaadashada Warqada Aqoonsiga, waxay ila tahay haddii aynu nahay umad inaynu muujinno umadnimadeena iyo dad-nimadeena oo aynu sugno oo aynaan cidna uga habran waa waajib iyo xil inaga wada saaran qaranka.sidaa daraadeed Anagu haddaanu dawladda nahay waajibaadka nala gudboon waanu ka qaadanaynaa xilkayagana waanu ka soo baxaynaa“ ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey ururadda bulshadda.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

“Waxaanu jecelahay inaynu Diwaangalinta Madaniga Meel uga soo wada jeedsano haddii ay tahay Ururada Bulshada, Hay’addaha kala duwan iyo Asxaabta Mucaaradka ahba. Waxaan rajaynayaa inaynu hawshaa meel uga soo wada jeedsano Kuligeenba oo Illaahayna inagu guuleeyo oo aynu waajibkeena ka soo wada Baxno Insha Allah”ayuu hadalkiisa raaciyey.

siilaanyo uru 5

Ujeeddada Kulankan ayaa ahayd inay dadka ka shaqeeya ururadda bulshaddu dadka ku wacyigeliyaan qaadashada kaadhka muwaadinimo,haseyeeshee madaxweynuhu marna ma soo hadal qaadin diidmadda mucaaradku ka muujiyey arrintaasi.

siilaanyo uru5

Madaxweynaha ka hor waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran cadde iyo xubno matalaya ururadda aan dawliga ahayn, sidoo kale waxa iyaguna madasha joogay shirkadda ku guulaysatay samaynta kaadhadhkan oo ku soo bandhigtay qaabka ay hawsha u wadayaan.

siilaanyo u6

Madaxweynaha ayaa kaga mashquulay kulan uu manta la yeelan lahaa mucaaradka kulanka uu la qaatay ururadda bulshadda oo uu ku boorinayay inay ka qaybgalaan sidii lagu hir-gelin lahaa diiwaan-gelinta muwaadiniinta.

 

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada ADMAS Xuseen Cabdilaahi
Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada ADMAS Xuseen Cabdilaahi

siilaanyo utu6

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here