Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Bari Inuu u socdaalo Imaaraadka Carabta

0
830

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti balaadhan yaa la filayaa inuu u socdaalo Wadanka Imaaraadka Carabta,iyadoo la filayo inuu ambabaxo barito.

War rasmi ahi kama soo bixin Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo, balse wararka laga helayo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu halkaasi u tagayo sii ambaqaadista Shirar hore xubno wasiiro ahi ula galeen Shirkaddo dhanka Shidaal Baadhista ah ooSomaliland kula jira heshiisyo Shidaal Soo saaris ah. sidoo kale wararku waxay sheegayaan inuuka qayb galidoono Shir Imaaraadku qabanqaabiyay oo ku saabsan Budhcad badeeda Soomaalida.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here