Madaxweyne Siilaanyo oo kulammo la yeesheen Safiirrada Turkiga iyo Maraykanka + SAWIRRO

0
1467

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Siilaanyo ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeeshay safiirka turkiga u qaabilsan Soomaaliya iyo safiirka Maraykanka u qaabilsan Somalia, kuwaas oo kala hadlay arrimaha wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliay u dhexeeya iyo arrimaha Doorashooyinka Somaliland.

safiirka Maraykanka iyo madaxweynaha Somaliland
safiirka Maraykanka iyo madaxweynaha Somaliland

Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa isagu kulankiisu daarnaa wada hadalkii burburay ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidii uu dib u bilaabmi lahaa, isagoo kulankaasi madaxweynaha ku wehelinayen xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda ee xubnaha ka ahaa wada hadalkaasi.

Shirkan uu safiirku la galay madaxweynaha iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda ayaa markii uu dhamaaday waxa warbaahinta la hadlay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Safiirka Turkiga ee Somalia, Amb. Olgan Bekar iyo Madaxweyne Siilaanyo
Safiirka Turkiga ee Somalia, Amb. Olgan Bekar iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Wasiirka madaxtooyada ayaa sheegay inuu safiirka kala hadlay arrimihii hakiyay wada-hadalkii labadda dhinac u socday, isla markaana u sheegeen inuu wada-hadalkaas ku xiran yahay uun in xubno ka soo jeedda Soomaaliya wada hadlaan, balse xubno Somaliland ka soo jeeddo oo Soomaaliya la socda aanay marna ogolaanayn.

safiirkiii turkiga 2

“Safiirkii Turkiga ee Somaliland iyo Somaaliya ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha iyo masuuliyiinta xukuumadda, waxaanay u socdeen uun arrimihii wada hadalka ee burburay inay wax naga waydiiyaan, waxaana u sheegay in haddii Soomaaliya doonayso in aanu wada hadalno ay Soomaaliya soo kaxaysato dad Soomaaliya ka soo jeedda oo ay miiska yimaadaan, waxaana u sheegnay inuu burburku ka yimid dhankoodda, Turkiguna danno kale kama laha wada hadalkee wuxuu ahaa uun inuu fududeeyo wada hadalkaasi, waxaanu danaynayaa in la wada hadlo”ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Xirsi.

Sidoo kale, Safiirka Turkiga ee Somalia, Amb. Olgan Bekar, ayaa sheegay inuu Hargeysa u yimid arrimaha wada hadalka iyo sidii ay dib u bilaabmi lahaayeen, waxaanu yiri. “waxaanu ka wadahadalnay arimaha wada hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, kaasi oo hakad ku yimid, waxaana insha alla rajaynayaa inuu dib u bilaabmi doono, waana ka shaqayn doonna inuu sii socdo”.

Dhinaca kale, safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Mr. Brain H. Phipps, ayaa isna madaxweynaha iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda shir la galay, waxaanay sheegeen inay ka wada hadlayeen arimaha dagaalka ka socda dalka Yemen, Amniga, horumarka iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland la filayo inay ka dhacaan.

Shirkaasi uu madaxweynaha la yeeshay kaddib waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji xasan oo sheegay inuu kulankaasi daarnaa dagaaladda ka socda Yemen iyo saameyntoodda, amniga iyo arrimaha doorashooyinka.

safiirkii Turkiga 3

“Danjiruhu wuxuu shir la gallay madaxweynaha, waxaanu ku dhamaaday si qurux badan oo isfaham ka muuqdo, Somaliland waa dal aan aqoonsi caalami ah haysan balse loo tixgaliyo dal ahaan, waxaana ka wada hadlaynay dagaaladda ka socda Yemen iyo qaxootigiisa, xaga amniga iyo doorashooyinka Somaliland iyo sida iskaga kashan lahayn xaga horumarka, si fiicana waanu iskula afgaranay”ayuu yidhi Xirsi.

Sidoo kale, safiirka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Mr. Brain H. Phipps, ayaa isna sheegay in kulankooddu daarnaa dagaaladda Yemen ka socda iyo sidii amniga la iskaga kaashan lahaa iyo sidoo kale arrimaha doorashooyinka la filayo inay Somaliland ka dhacan.

“Waxaanu kawada hadlaynay arrimaha ka taagan Yemen iyo Qaxootiga ka iman kara iyo sidii amniga gobolka looga wada shaqayn lahaa, waxa kale oo aanu ka wada hadalnay xaga horumarka iyo sidii Somaliland uga taageeri lahayn xaga horumarka iyo xaga Doorashooyinka Somaliland oo loo baahan yahay inay doorasho xor oo xalaal ahi ka dhacaan, waana u mahad naqayaa masuuliyiintaasi aanu kulanay”ayuuu yidhi Mr. Brain H. Phipps.

Si kastaba ha ahaatee, safiirka Maraykanka ayaa wararku sheegayaan inuu u yimid dib u dhaca la filayo inay ku yimaadaan doorashada iyo sababta keentay iyo sidii ay doorasho u qabsoomi lahayd, iyadoo beesha caalamkuna dabadda ka riixayaan inay doorashaddu wakhtigeeddi ku dhacdo, maadaama oo xisbiyada mucaaradku ka war warayaan in xukuumaddu muddo kordhin badan ka dalbato golaha Guurtidda.

Xisbiyadda mucaaradka Somaliland ayaa hore xukuumadda ugu eedeeyey inay muddo kordhin doonayso, isla markana aanay diyaar u ahayn inay doorasho dhacdo wakhtigii loogu tallogalay, inkastoo Guddida doorashooyinku cadeeyeen in bisha june oo la filayey inay dorashaddu dhacdo aanay suurogal ahayn, isla markaana ay dib u dhici karto, inkastoo aanay si rasmiya u cadeyn wakhtiga doorashaddu dhacayso. Sida darteed war-warkaas ay xisbiyadu qabaan ayaa maalmahaan dambe soo cel-celinaya wufuuddii caalami ahaa ee madaxweynaha la kulmiyay, isla markaaana ay xogo kala qaadanayeen.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here