Madaxweyne Siilaanyo oo kasoo laabtay fasax gaaban oo uu ku tagay Britain Si Balaadhan loogu soo Dhaweeyay Hargeysa+ SAWIRRO

0
1213

siilaanyo oo dalka 3Hargeysa,(HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max’ed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabta ka dib markii uu fasax gaaban ku tagay wadanka Ingiriiska gaar ahaan magaaladda London.

Wafdiga madaxweynaha waxa madaarka ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo raxan wasiiro iyo xildhibaanno iskugu jira.

SIILAANYO656

Sidooo kale, madaxweynaha waxa salaan sharaf ku siiyey madaarka Ciidamadda Qaranka, intaas ka dibna madaxweynaha ayaa ka warbxiyey ujeedada safarkiisa, waxaanu sheegay in safarkiisu ahaa mid fasax ah, isla markaana uu dalka ka maqnaa muddo labaatan cisho ah.silaanyo oo dalka ku soo laabtay

“Farxad weyn ayey ii tahay in aan dalka ku soo laabto, Anigoo labaataneeyo cisho ku maqnaa, inta aanan tagin Ingiriiska waxaan sii maray dalka Itoobiya waxaana la kulmay madaxda dalkaasi, waxaana ka wada hadalnay danaha labadda dal”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey ujeedadda safarkiisa, waxaanu intaas ku daray inuu wadanka Ingiriiska ku tagay Fasax iyo nasasho.

“Waxaan Ingiriiska u tagay fasax, ka dibna waxaan kulamo iyo is xog waraysi la yeeshay jaaliyadda reer Somaliland, waana dad niyad wanaag u haya dadkooda iyo dalkoodaba”ayuu raaciyey hadalkiisa.

 

Si kastaba ha ahaate, madaxweynaha ayaan loo ogolaan in wax su’aal ah laga waydiiyo safarkiisa, waxaana markii uu warbixintaasi gaaban dhiibay markiiba la kala dareeray.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY