Madaxweyne Siilaanyo oo ka Qayb-galay Tababbar loo soo Xidhayay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Somaliland + SAWIRRO

0
836

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka Qayb-galay xirtaanka tababar Saraakiil Millateriga Somalialnd ka tirsan ugu soo dhammaaday Dugsiga Dararweyne ee Bariga Magaalada Hargeysa.

 

Markuu Madaxweynuhu gaadhay Xerada Ciidamada ee Dererweyne waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, ka dibna waxa uu Madaxweynuhu Xariga ka jaray Taangi biyood oo qaadaya 150 Foosto, ka dibna waxa uu madaxweynuhu kormeer ku tegay Ceelasha biyaha looga soo qaado Dugsiga Layliska saraakiisha Cabdullaahi Askar ee Degmada Dererweyne.

2016217635913033570375183DSC_0029

Madaxweynuhu, Wuxuu Warbixinno ka dhagaystay Taliyaha Millateriga Somaliland, Jen. Ismaaciil Shaqale, isagoo taliyuhu xusay inay qodeen Saddex Ceel oo hoosta isaga daloola biyahana geeya mastaafo dhan 1.5-KM,  iyagoo isticmaalaya Tamarta Cadeeda.

 

Intaas kaddibna, Wuxuu Madaxweynuhu Xariga ka jaray, Mashaariic kala Duwan oo ay ka mid ahaayeen Dugsiga kulliyada saraakiil ku xigeenada.

2016217635913032610123266DSC_0006

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray Guryaha hurdada, Cuntada, Xafiisyada iyo qaybo kale oo loo dhisay dhamaan saraakiil ku xigeenada Dugsiga & Macalimiintooda. Waxaanu madaxweynuhu isla joobtaasi xadhiga kaga jaray Qasabadaha biyaha qaybiya oo looga talaalay Guryahaasi kaydka Biyaha Ciidamada.

2016217635913035062552493DSC_0002

Taliyaha Dugsiga Layliska Saraakiisha ee Darar-weyne, Col. Maxamed Cabdi Cali Shiine oo halkaas ka hadlay ayaa yidhi. “Madaxweyne Waan kaaga mahadnaqaynaa inaad maanta noo soo xidho Kulliyadii 3aad ee dugsigan tobabarka ka baxda sanadkan kana qalinjebisa.”

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Jen. Ismaaciil Shaqale, iyo wasiirka Gashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo dhammaantood madaxweynaha  ayaa iyaguna ka warbixiyey Mashaariicda kala duwan ee ay ka fuliyeen dugsiga layliska ciidanka millateriga iyo weliba dufcadihii kala duwanaa.

2016217635913036759702253DSC_0324

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa Ciidanka ugu hambalyeeyey waxbarashaddan ay dugsigan ka qaataan iyo tobabarka, waxaanu u rajeeyey guul.

 

“Duco-qabayaal Farxad bay ii tahay inaan idin kala soo Qayb-galo Xafladda Qalin-jabinta Layliska Saraakiisha, Waxaanan idin ku Hambalyenayaa Waxbarashada aad dhamaysateen maanta. Tan kale hambalyo ayaan leeyahay Waxqabadka kale ee ay ka mid yihiin Dugsiga Cusub ee Saraakiil xigeenada loo dhisay”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.

2016217635913034726959618DSC_0224

Wuxuuna raaciyay. “Waxaan idin leeyahay Hambalyo Qaranka sida aad ugu Adeegaysaan, Dadaalladuna halkooda ha ka sii wada aniguna waxan idin la barbar taagan nahay taageero buuxda.”

 

Ugu dambey, wuxuu Madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey tobankii Sarkaal ee ugu sareeyey xaga waxbarashadda ka qaadanayeen dugsigan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY