Madaxweyne Siilaanyo Oo Hogaaminaya Wefti Balaadhan Oo Maanta Safar Ugu Baxay Gobolada Bari oo Galabta Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco + SAWIRRO

0
793

Burco, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa saaka safar ugu baxay gobolada Saaxil iyo Togdheer halkaas oo madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn balaadhan.

DSC_0022 (1)

Safarkan Madaxweynuhu ugu baxay gobolada bariga Somaliland ayaa intii uu ku guda jiray waxa si mug iyo miisaanba leh loogu soo dhawaynaayey degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya saddexda gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer oo uu Madaxweynuhu shacbigii ku soo dhaweeyey salaan kal iyo laab ah ugu gacan haadiynaayey intii lagu gudo jiray Socdaalka.

DSC_0002 7

Weftigii Madaxweynuhu hogaaminaayeyna waxay caawa ku hayday magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco, halkaas oo madaxweynuhu hadii eebbe qadaro uu hawlihiisa shaqo ka sii wadan doono.

 

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here