Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi U Saaray Qabanqaabada Xuska 18-ka May

0
1013

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/MG/241-3185/042015 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-Miyiga
Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa
Ku: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada
Ku: Guddoomiyaha Guddida Xuquuqul Aadamaha
Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac
Ku: Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)

Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabada Xuska 18 May

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sannad guuradda 24aad ee maalinta Qarannimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 24aad ee maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qarannimo iska saari doonaan Xuska Maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan ka rajaynayaa in ay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha Gaarka ah ee Saxaafada Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here