Madaxweyne Siilaanyo oo ammaanay iskuul ay Turkigu ka fureen Somaliland

0
961

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Max’ud Siilaanyo ayaa si weyn u ammaanay iskuul ay dowladda Turkigu ka hirgelisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay inay tahay guul, isagoo dowladda Turkiga ugu baaqay inay iskuullo kale hirgeliyso Somaliland.

“Iskuulkan uu Turkigu ka hirgeliyay Somaliland, waa mid muujinaya guusha weyn ee la gaaray. Waxaana soo dhaweynaynaa in Turkigu ay Iskuullo kale ka hirgeliyaan Somaliland,” ayuu yiri Siilaanyo, isagoo xusay inuu si weyn u rajeynayo in mustaqbalku ay iskuullo kale ka hirgeliyaan Somaliland.

Turkiga ayaa Somaliland ka hirgeliyay iskuul lagu magacaabo VIFAK, kaasoo carruurta siiya tababarro kala duwan oo aqoontooda sare loogu qaadayo, iyadoo carruurta dhigta ay ku guuleysteen billado caalami ah, kaddib markii ay ka qaybgaleen tartammo caalami ah.

Dugsigan ayaa waxaa dhigta 120-arday, iyadoo Turkiga ay ugu talo-galeen inay wax ku bartaan ugu yaraan 190-arday sida uu maamulka iskuulkaas u sheegay warbaahinta, waxaana iskuulkan ka mid yahay iskuullo badan oo ay Turkigu ka hirgeliyeen Koonfurta Somalia iyo Somaliland.

Siilaanyo ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay maamulka VIFAK iskuul, Şahin Sevim. Isagoo sheegay inuu rumeysan yahay in Turkigu ay Somaliland ka hirgelinayaan iskuullo kale oo casri ah.

“Waxaan kuu caddeynayaa in iskuullada ay Turkigu ka hirgeliyaan Somalia ay yihiin kuwo sare u qaadaya aqoonta Soomaalida,” ayuu kulanka ka yiri Siilaanyo oo intaas ku daray. “Waxaan ka socdaa guulaha ay iskuullada soo hoyeen. Waxaan kaloo la socdaan sida ay qoysaska iyo ardayduba raalli uga yihiin howshan.”

Booqashada madaxweynaha Somaliland uu ku tagay iskuulka Turkiga ay ka hirgeliyeen Somaliland ayaa waxaa ku wehlisay wasiiradda waxbarashada ee Somaliland, Zamzam Cabdi Aadan oo sheegtay inaysan garanayn waxay ugu mahadceliyaan dowladda Turkiga.

 

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here