Madaxweyne Siilaanyo Marka Uu Ubaxayo Meel Kamid ah Gudaha Caasimada iyo Mushkilada Kala Qabsata Shacbigii Soo Doortey iyo Ciidamada Oo Faraha Kasii Baxeysa

0
1238
Madaxweyne Axmed Siilaanyo
Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargeysa, (HargeisaPress) — Socdaalada Madaxweynaha Somaliland Axmad Maxamad Maxamuud(Siilaanyo),uu ugu baxayo qeybo kamid ah Caasimada Hargeysa,ayaa mushkilad iyo dhibaato badani kala kulantaa had iyo jeer isu socodka Gaadiidka Caasimada gaar ahaana jidka wadnaha,iyo jidadka kaleba oo Ciidamada kala duwan ee amaanku sii xidhaan saacado ka hor inta aanu Madaxweynuhu kasoo bixin Qasriga Madaxtooyada.

Iyadoo Gaadiidku isku cadibmaan had iyo jeer Gudaha Caasimada Hargeysa xiliyada barqadii,oo wadooyinku mashquul badan yihiin ayaa bixitaanka Madaxweynaha oo had iyo jeer inta badan ka baxa Xarunta Madaxtooyada abaara tobanka Subaxnimo waxa ay mudooyinkan dambe kala kulmeen xanibaad iyo tacadi ay Ciidamada Amaanku u geystaan Gaadiidka,taas oo dhibaato badani kasoo gaadho dadka u socda howlaha adag wakhtigaasi sida dadka bukaanka ah ee loola cararayo Cusbitaalada iyo cid kasta oo u caracareysa Shaqooyinka kala duwan ee Xafiisyada howl maalmeedku ka socdo kuwa ganacsiga ah iyo kuwa shaqooyinka madaxa banaan intaba.

Xayiraada Gaadiidka loo xanibayo bixitaanka Madaxweynaha oo aanay dadweynuhu ku diidaneyd in amaankiisa laga shaqeeyo ayaa hadana mushkilada badani ka taagan tahey,inaan lagu soo beegin xili loo dulqaadan karo,oo ku siman saacad ka hor inta aanu Madaxweynuhu kasoo bixin Xarunta Madaxtooyada haseyeeshee,waxa inta badan ciidamadu xidhaan Gaadiidka saacado ka hor taas,oo wakhti badan qaadata islamarkaana lagu simo tan iyo inta,uu dib ugu soo noqonayo Xarunta Madaxtooyada waxaana had iyo jeer ku dhibtooda hooyooyonka xanuunsanaya,maatida iyo umusha lagula cararayo Cusbitaalada,iyadoo mararka qaar ay Gaadiidku waayaan meel ay dib uga noqdaan,waxaanu Madaxweyne Siilaanyo socdaalkiisan Caasimada gudaheedu ka duwan yihiin Madaxweynayaashii ka horeeyay.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed (hiiraan)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here