Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga WADANI midkee ku saxsan? By: Dr.Mohamed Culimo

0
963

Sida warbaahinta lagu baahiyey madaxweynaha ayaa dib ugu celiyey xisbiga WADANI xubintii ay u soo xuleen gudidda doorashooyinka qaranka . Xubintaas oo ah Dr Maxamed Cisman Fadal. WADANI waxay ku adkaysanayaan in Dr fadal buuxiyey shuruudaha oo dhan halka madaxweyne Siilaanyana leeyahay muu buuxin shuruudihii.. Waxaa xusid mudan in Dr fadal uu ahaa xoghayihii arimaha dibadda ee WADANI, waxaanu xilkaa iyo xubinimadii xisbigaba iska casilay 27 August 2014. . Sida ka muuqata warqada madaxweynuhu qoray , wuxuu ku doodayaa in Dr Fadal uu xisbiga WADANI ka tirsanaa markii uu u gudbiyey qoraalkii uu kaga dalbaday inay xubin soo magacaabaan.
Hadaba waxaan idinla wadaagayaa qodobadda muranku ka taagan yahay si aad uga garnaqdaan si cadaalad ah. Qodobka 3aad iyo qodobka 6aad farqada E ayaa ah kuwa la isku khilaafsan yahay ee la isku hayo in uu Dr Fadal buuxiyey iyo in kale
1. Sida sharcigu dhigayo komishanku wuxuu ka koobnanayaa 7 xubnood.
2. Mudada xilka ee Komishanku waa 5 sano, oo ka bilaabmaysa marka Golaha Wakiiladu ansixiyo, waana loo cusboonaysiin karaa xilka.
3. Shaqaale dawladeed, xubin Barlaman, Xubnaha Golaha Wasiirada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama mid noqon karo Komishanka.
4. Komishanka doorashooyinka waxa magcaabaya Madaxweynaha JSL ka dib marka uu helo soo jeedimaha
A. 2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo,
B. 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururada/xisbiyada mucaaridka ah ee diiwaan-gashan iyo
C. 3 xubnood ee kale Madaxweynaha ayaa soo xulaya.
5. Komishanka waxa cod kala badh iyo hal ah (absolute majority) ku ansixinaya Golaha Wakiilada, markuu guddi- hoosaadka Arrimaha Guduhu soo hubiyo in ay buuxinayaan shuruudaha Xeerku tilmaamayo.
6. Shuruudaha xubinta Komishanka
A. Waa inuu yahay muwaadin Somaliland u dhashay.
B. Waa inaan da’diisu/da’deedu ka yarayn 40 jir kana waynayn 70 jir
C. Waa inuu Muslin yahay, kuna dhaqma diinta Islaamka.
D. Waa inuu leeyahay aqoon dugsi sare ugu yaraan ama wixii u dhigma.
E. Waa inaanu ka mid ahayn urur/xisbi siyaasadeed, kana madax banaan yahay.
F. Waa in lagu yaqaan dhawrsanaan, sharaf iyo cadaalad bulshada dhexdeeda.
G. Waa inaan dembi ciqaab oo maxkamad.

Maxay idinla tahay?. Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga WADANI midkee ku saxsan?
Dr.Mohamed-Culimo, mculimo@yahoo.com

LEAVE A REPLY